Shirkadii DUBAI WORLD Oo Ka Yaabtay Musuq maasuq Qaawan oo Baashe Moorgan ula Badheedhay,

0
Friday May 13, 2016 - 03:18:19 in Wararka by Somalinders Website
  • Visits: 1654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadii DUBAI WORLD Oo Ka Yaabtay Musuq maasuq Qaawan oo Baashe Moorgan ula Badheedhay,

    Madaxweyne Siiraanyo oo ay weheliyaan xaaskiisa Aamina Waris , wiilka uu soddoga u yahay ee Baashe Cawil iyo intii muqarabiinta qoyska madaxtooyada aheyd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Siiraanyo oo ay weheliyaan xaaskiisa Aamina Waris , wiilka uu soddoga u yahay ee Baashe Cawil iyo intii muqarabiinta qoyska madaxtooyada aheyd
ayaa wali ku sugan magaaladan Dubay si ay u kala habeeyaan lacagtii 15-ka milyan ee doolar ee ay shirkadd Dubai Ports World u bixisay xaqul qalin ahaan ka dib markii ay maalinti doraad heshiis ay kula wareegayaan maamulka dakedda Berbera la saxeexdeen dawladda Somaliland.


Wafdiga madaxweynaha oo Dubay soo gaadhay Axaddi dhaweyd si ay uga qaybgalaan xafladii saxeexidda heshiiska ayaa waxa ka soo horeeyey oo Dubay sii joogay wasiirada Madaxtooyada, Maaliyadda,Khaarajiga iyo Qorsheynta iyo waliba Agaasimaha Dekadda Berbera iyadoo sadexda magacyadoodu u dambeeyaan ay shalay dalka ku soo laabteen.



Aamina Waris iyo wiilka ay sodohda u tahay ka sakow waxa iyaguna diyaaraddi madaxweynaha Dubay keentay la socday Guddoomiyaha Kulmiye iyo labada wasiir ee Duulista iyo Xanaanada Xoolaha oo aan ilaa hadda la ogeyn muraadka ay u yimaadeen Imaaraatka.


Wararka ka soo baxaya shirkadda DPW ee martida loo yahahay ayaa tibaaxaya in durtaba uu Baashe Cawil ka codsaday inay isaga u dhiibaan shantii milyan ee $ ee lacagtii xaqul qalinka looga qoondeeyey in lagu soo iibiyo Taagga jiidaa maraakiibta iyadoo uu Baashe qaar ka mid ah masuuliinta shirkadda faq ugu sheegay inuu Taagga ku heli karo 2 milyan $ isagoo soo jeediyey in macruuf loo sameeyo si uu sadexda milyan ee hadhayna u qaato maa daama uu shakhsiyan qayb libaax ka qaatay dadaalkii suuragaliyeye heshiiska dhex maray Somaliland iyo DPW.


Sida aanu ay Somalilander.com warar sugan ku helayso masuuliinta shirkadda DPW ayaa gaashaanka u daruuray soo jeedintii Baashe Cawil ula yimid iyadoo ay u sheegeen inay khibrad iyo aqoon badan u leeyihiin arimaha dekadaha iyo hawlaha maraakiibta oo ay iyagu gacantooda ku soo iibin doonaan Taag casri ah oo u la isku halayn karo.


Hasa yeeshee markii uu Baashe Cawil taas ku qanci waayey ayaa masuuliintii shirkaddu cabasho gaadhsiiyeen ganacsadaha caanka ah ee Cabdiraxmaan Boore oo la taliye uu ah DPW waxaanay wafdiga u fareen in shirkaddu ogolayn in loola yimaaddo arimo musuqmaasuq .Waxase hadal ka jooga sida loo kala xasaysan doono tobanka milyan ee hadhay ee wafdiga gacanta laga saaray.


Somalilander/Haatuf


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Video Updates