Sir Culus:Dahabshiil, Xirsi, USA iyo UK oo dagaal dhex maray -Afgembi Siilaanyo VS AL-Shabaab.

1
Friday November 20, 2015 - 20:00:40 in Wararka by Somalinders Website
  • Visits: 7717
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sir Culus:Dahabshiil, Xirsi, USA iyo UK oo dagaal dhex maray -Afgembi Siilaanyo VS AL-Shabaab.

    Somalilanders.com - Wasaaradda Arimaha Dibada Mareykanka ayaa Mucaaradad xoog badan kala hortimid dhigeeda Ingiriiska ee loo yaqaan UK Foreign Office, ka dib markii Shirkadda Dahabshiil lagu helay iney afganbi u maleegtay Madaxweynaha Somaliland A

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalilanders.com - Wasaaradda Arimaha Dibada Mareykanka ayaa Mucaaradad xoog badan kala hortimid dhigeeda Ingiriiska ee loo yaqaan UK Foreign Office, ka dib markii Shirkadda Dahabshiil lagu helay iney afganbi u maleegtay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo sida uu qoray wargeyska African Intelligence oo ah wargeys faafiya siraha dowladaha Caalamka.

Wargeyska ayaa Warbixintiisa wuxuu ciwaan uga dhigay 'Washington and London’s monkey business in Hargeisa' tan oo micnaheedu yahay ganacsiga qiyaaneedka London iyo Washington ee Hargeysa .

Sida lagu sheegay Wargeyska oo kasoo baxa Dalka Faransiiska is la markaasna arimaha Dowladaha daba'gal ku sameeya ayaa yidhi, "Wasaaradda arimaha Dibadda Mareykanka waxeey si weyn uga hortimid falalka isku dayga ah ee lagu doonayo in Madaxweyne Siilaanyo lagu afganbiyo". 

Wargeyska Indian Ocean Intelligence ayaa  wuxuu yiri, "Dowladda Mareykanka ayaa u aragta in isbaheysi xoog leh oo ay sameynayaan Urur diimeedyo uu ka mid yahay Damul Jadiid iyo Kooxda argagixisada Al-Shabaab kuwaas oo guluf xoogan ugu jira iney xilka  ka tuuraan  Madaxweynaha Somaliland. 

Wargeyska oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi, dowlada Mareykanku waxeey ku eedeynaysaa hogaanada afganbiga wada iney xidhiidh la leeyihiin kooxaha Argagixisada Al-Shabaab.

Wargeyska oo sii wada hadalkiisa ayaa ydhi, "ka dib isku daygii lagula kacay dastuurka Somaliland 26-kii bishii October   ee uu ka danbeeyay Waziirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Xirsi Ali Xaaji Xasan ayaa Dowlada Ingiriisku waxey Hargeysa u dirsatay 11-kii Bisha November labo ka mid ah shaqaalaheeda Safaaradda Ingiriisku ku leeyahay Addis Ababa  oo la kala yidhaahdo magacyadooda Cat Evans iyo Lizzie Lovett,  si ay ula kulmaan maamulka Hargeysa"

African Intelligence ayaa yidhi, sida ilo-waareedyo aan helnay ay sheegayaan, waxa ay Diblomaasiyiinta Ingiriisku u tageen Hargeysa si shaqada loogu soo celiyo 13-kii Wasiiro iyo wasiiro ku xigeenadii xilalka is ka casilay, kuwaas oo is casilaadooda uga dan lahaa iney taageero ugu muujiyaan Xirsi Cali Xaaji Xasan. 

"Xirsi Cali Xaaji ayaa waxa uu ka mid yahay koox diimeedka Damul Jadiid,  Damul Jadiid oo ah eray Carabi ah oo macnaheeda Soomaali ku yahay dhiiga cusub ayaa saldhigeedu yahay London oo ah cunsur ka mid ahaan jiray Urur diimeedkii dhaq-dhaqaaqii Al-Itaxaad Al Islaamiya” , ayuu yidhi wargeysku. 

" Kooxdaan ayaa ah  mid xidhiidh soke la leh Xisbiga Conservative-ka ee Ra'isalWazaaraha Ingiriiska David Cameron ka soo galo siyaasadda dalkaas Ingiriiska. Waxa uuna horay u caawiyay Ingiriisku in uu awooda dalka Soomaaliya la wareego Xasan Sheekh Maxamuud," ayaa lagu daray Warbixinta.

"Si ay uga hortagto waxa ay ugu yeedheen, Fidno abuurayaasha ayey Dowlada Mareykanku dhankeeda ugala soo baxday Dalka Soomaaliya  Kaaliyaha Xoghayaha Arimaha Dibada ee u qaabilsan Arimaha Afrika Ambassador Linda Thomas-Greenfield, taas oo 13-kii November ku soo hoyatay dalka Jibouti”, ayay tiri war bixintu.

Mareykanku waxa ay sidaas u yeelayaan ayaa ah, "iyaga oo ka walaac qaba Waziirkii  Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali walaalkii oo ah xubin ka mida Damul Jadiid, isla markaasna lala xidhiidhinayo in uu xidhiidh aad u dhow la leeyahay xagjirka Al-shabaab”. 

" Xirsi Walaalkii ayaa lacago fara'badan oo uu ka qaaday Shirkadda Dahabshiil ku maalgaliyay Al-Shabaab”. Dowladda Mareykanka ayaa si weyn u daba joogta Shirkadda Dahabshiil"ayuu ku daray Wargeyska the African Intelligence. 

 Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sidoo kale ay Ilmo-abti yihiin Milkiilaha Dahabshiil Maxamed Saciid Ducaale. Kan danbe, waa Maxamed Saciid Ducaale'eh ayaa la kulmay madaxa Xisbiga Kulmiye si uu ugu xaqiijiyo is garabtaaga uu la garab taagan yahay hiil iyo hooba  Madaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi,  si uu uga caawiyo loolanka arimaha siyaasadda Somaliland, ayay warbixintu ku soo gaba'gabeysay. 

Warbixintaan waxeey ka marqaati kacday inuu jiro khilaaf ka dhashay Dahabshiil oo Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska u dhaxeeya.

Warbixintaan waxaan ka turjunay warkaan ,

http://www.africaintelligence.com/ION/politics-power/2015/11/20/washington-and-london-s-monkey-business-in-hargeisa,108112233-ART?LOG=1

Dahabshiil - Washington and London’s monkey business in Hargeisa

The US State Department opposes the UK Foreign Office on the attempted coup in Hargeisa. The Americans accuse the dissident leader of being close to radical Islamists.

Following the attempted constitutional coup on 26 October by the Minister to the Presidency Hersi Ali Haji Hassan (ION 1414), two diplomats at the British embassy in Addis Ababa, Cat Evans and Lizzie Lovett went to meet the Somaliland authorities on 11 November. According to our sources, they asked for the reinstatement of the 13 ministers and deputy ministers who had supported Hersi Ali Haji by resigning. The latter are members or close to the London-based Islamist group ed-Dam al Jadid (new blood), an offshoot of the al-Ittihad al-Islami movement. This faction, which has good relations with the Conservative Party of UK Prime Minister David Cameron, already helped President Hassan Sheikh Mahamoud take power in Somalia.



To counter UK’s support to the troublemakers, the US dispatched its Assistant Secretary of State for African Affairs, Linda Thomas-Greenfield, to Djibouti on 13 November. The Americans are concerned because they suspect Hersi Ali Haji’s brother, also a member of ed-Dam al Jadid, of being linked to the Al-Shabaab radical Islamists. The latter works for the Somalian funds transfer company Dahabshiil, which is already in the US crosshairs. It suspects it of funding Al-Shabaab and the perpetrators of Somaliland’s attempted coup to overthrow President Ahmed Mohamed Mahamoud, aka Silanyo. Hersi Ali Haji Hassan is also a cousin of Dhabshiil’s founder, Mohamed Said Duale. In mid-November, the latter met with the presidential for Somaliland’s ruling party Kulmiye, Musa Bihi Abdi, to assure him of his commitment to help maintain political stability in Somaliland. 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Video Updates