War deg deg ah Ciidanka Liyuu Booliska oo markale xasuuq ka gaystay Deegaanka Gaashaamo iyo Dagaal Toos ah oo shacabka Isku Difaacayaan oo socda.

0
Tuesday June 07, 2016 - 21:53:40 in Wararka by Somalinders Website
  • Visits: 17314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    War deg deg ah Ciidanka Liyuu Booliska oo markale xasuuq ka gaystay Deegaanka Gaashaamo iyo Dagaal Toos ah oo shacabka Isku Difaacayaan oo socda.

    Warar laga helaayo dhulka Bariga Dhulka Somalida ee Itoobiya haysato ayaa sheegaya in ciidmadii Liyu Police-ka ahaa ee shalay xasuuqa arxan darada ah ka gaystay deeganka Jaamac Dubad ay hadana mar kale dad ku laayeen deegaanka xaashi Cagoole oo dhan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar laga helaayo dhulka Bariga Dhulka Somalida ee Itoobiya haysato ayaa sheegaya in ciidmadii Liyu Police-ka ahaa ee shalay xasuuqa arxan darada ah ka gaystay deeganka Jaamac Dubad ay hadana mar kale dad ku laayeen deegaanka xaashi Cagoole oo dhanka koonfur hawd kaga beegan degmada gaashaamo.

Dadkan ay laayeen ciidamadu ayaa tiradooda lagu qiyaasay ilaa 13 qof oo beesha Habaryoonis ka soo jeeda iyada oo horena ugu yaraan 42 qof ay shalay dileen,iyada oo sidoo kalena tiro kale oo dad ahi dhawac yihiin.
Sidoo kalena waxay wararku intaa ku darayaan in dadwaynaha deegaankaasi ay iska cabin kala horyimaadeen cidamadii dawlada itoobiya ee xasuuqa ka gaystay deegaanka Jaamac Dubad waxaana halkaasi ka dhashay dagaal.
Wararka ayaa sheegaya inay jiraaan dhimasho iyo dhaawac dhanka ciidamada ah waxaana wali deegaankaasi ka socda sida naloo sheegay dagaal u dhaxeeya dadwaynaha magaalada Xaashi Cagoole iyo hawdka ku teedsan koonfurta Gaashaamo iyo ciidamada LiyuuPolice-ka.
Ciidamadan Liyuu-Policeka ee dalwada itoobiya ayaa la shegay inay wadeen qorshe ay ku xasuuqaan dadwaynaha deegaanka Xaashi Cagoole balse dadwaynaha degaanka oo gadoodsan aya iyaguna iska caabiyey waxaan halkaas ka dhashay dagaal khasaare sababay.
Walima jiraaan warar rasmi ah oo kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalka dhex maray dadwaynaha deegaanka xaashi cagoole iyo ciidamada Liyuu police-ka ee laga soo diray jigjiga.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Video Updates