Daawo Dhakhatiirta Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa oo Irbad Khaldan Ku Muday Wiil Yar oo 12 Jir ah oo In Ka Badan 3 Bilood Koomo Ku Jira oo Noloshiisu Khatar ku jirto.

0
Saturday June 11, 2016 - 00:27:28 in Wararka by Somalinders Website
  • Visits: 1532
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Dhakhatiirta Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa oo Irbad Khaldan Ku Muday Wiil Yar oo 12 Jir ah oo In Ka Badan 3 Bilood Koomo Ku Jira oo Noloshiisu Khatar ku jirto.

    Sacad Maxamed Cali waa wiil yar oo 12 jir ah oo ay dhaawac culus u gaysteen dhakhatiirta Cusbitaalka Guud ee Hargeysa Magaladda Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sacad Maxamed Cali waa wiil yar oo 12 jir ah oo ay dhaawac culus u gaysteen dhakhatiirta Cusbitaalka Guud ee Hargeysa Magaladda Hargeysa .Sacad ayaa bishii march 21/02/2016 loo geeyay cusbitaalka guud ee Hargeysa in lagu soo kabo gacan uu ka jabay,waxaana la geeyay dhakhtarka isaga oo lugihiisa ku soconaya siday sheegeen waalidiinta Sacad,balse laga soo bilaabo maalintaasi la geeyay dhakhtarka wayn ee Hargeysa ilaa hadda oo dhawr bilood ah waxa uu wiilkan yari ku jiraa koomo ama suuxitaan,aanu wali ka soo toosin irbadii ay ku suuxiyeen.Waxaa intaa dheer in uu gacantii uu ka jabnaa weli ka jaban yahay, una dhaw dahay in ay qalasho.
Wiil ay sacad ay walaalo yihiin oo ka hadlay dhaawaca ka soo gaadhay walaalkii Dhakhtarka wayn ee Hargeysa ayaa sidan sheegay:-


"indhihiisu waa iska kaa eegayaan, laakiin maaha kuwo la socda dareenka ku xeeran, sababtuna waa dhaawaca laga gaadhsiiyey maskaxda, markii oxygen ay ahayd in la siiyo xilligii suuxinta aan la siinin, isaga oo irbad suuxisa lagu muday. Sacad Maxamed Cali, cadaallad ayuu u baahan yahay in uu helo. Dhaawaca loo gaystay cidda gaysatay ayaa loo baahan yahay in sharciga la hor keeno. Wasaarada Caafimaadka, Wasiirka Caafimaadka iyo bahda caafimaadka ayay waajib ku tahay, in ay xaqiiqada waajahaan oo ay dhacdadani u noqoto mid sababta in Wasaarada Caafimaadka iyo dhibta ka jirta si gaar ah loo eego."
Dhinaca kale ehelada wiilkan yar waxa ay sheegeen in anay ilaa hadda wax jabaab ah ka bixin xaaladiisa caafimaad dhakhaatiirta iyo masuuliyiinta khatarka wayn ee Hargeysa ee wiilkan yari gacantooda uu ku waxyeeloobay,waxaana ay fariin u direen wasaaradda caafimaadka somaliland oo ay arrimaha noocan oo kale ah shaqadeeda tahay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Video Updates