Daawo Barnaamijkii Xaasaasiga ahaa Ee Itoobiya ka Cadhootay Ee Sababtay in Hawada laga Saaro Telefishanka Caalamiga ah Ee Horn Cable Tv.

0
Monday June 20, 2016 - 20:01:03 in Wararka by Somalinders Website
  • Visits: 20199
  • (Rating 3.2/5 Stars) Total Votes: 6
  • 3 2
  • Share via Social Media

    Daawo Barnaamijkii Xaasaasiga ahaa Ee Itoobiya ka Cadhootay Ee Sababtay in Hawada laga Saaro Telefishanka Caalamiga ah Ee Horn Cable Tv.

    Telefishinka Horn Cable ee ayaa maalintii saddexaad ka maqan Satelite-ka Thaicom 5 oo ah Satelite ay ka soo galaan dhamaan Telefishinada ku hadla Afka Soomaaliga, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo qaabka hawada looga saaray. Telefishinka Horn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Telefishinka Horn Cable ee ayaa maalintii saddexaad ka maqan Satelite-ka Thaicom 5 oo ah Satelite ay ka soo galaan dhamaan Telefishinada ku hadla Afka Soomaaliga, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo qaabka hawada looga saaray. Telefishinka Horn Cable ayaa hada gudaha Hargeysa laga daawanayaa, waxaana si weyn looga hadal hayaa magaalada Hargeysa iyo meelaha Soomaalida degto sababaha uu uga maqan yahay qeybta satelite-ka ee Thaicom.

Waxaa la isla dhex marayaa sababaha uu Telefishinka Horn Cable uga maqan yahay Satelite-ka Thaicom 5 ay tahay mid la xiriirto dagaalkii ka dhacay deegaanka Jaamac Dubad oo ka tirsan Gaashaamo, halkaasoo todobaadyo ka hor lagu laayay dad fara badan, kadib dagaalo dhex maray dadka deegaanka iyo Ciidanka Liyuu Boolis.
DAAWO


Dadka ku nool deegaankaas ayaa heyb ahaan ka soo jeeda Somaliland, iyadoo arrintan si weyn uga hadleen warbaahinta Maxaliga iyo kuwa Gobolka.
Waxaana hada wararka soo baxayaa sheegayaan in Tv-ga hawada looga saaray oo Itoobiya dacwaysay iyada oo kaashanaysa dawladda Yuhuuda oo iyadaSatelite-ka Thaicom 5 oo laga leeyahay dalka Thailand at soo kireysatay Shirkad lagu magacaabo RR Media oo laga leeyahay Israel, isla markaana xarunteedu tahay magaalada Tel Aviv.
waxaana loo cuskaday oo Itoobiya ka xanaaqday sida la sheegaya barnaamij xaasaasi ah oo uu Tv-gu ka diyaariyey xasuuqii Ciidanka maleeshiyaadka Liyuu Boolisku ka gaysteen Jaamac Dubadd Gaashaamo.
Dhinaca kale wariye xuduudka somaliland iyo Itoobiya ee wajaale uga soo warami jiray Telefishankan ayaa shirqool loo dhigay lagu kaxaystay waxaana la sheegay in hada lagu xidhay oo loo kaystay magalada Jigjiga,iyada oo weriyeyaal kale oo la socday kadib la soo daayay isna gaar loola hadhay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Video Updates