Weriye Fal dhaqan xumo oo uu sameeyay Hargeysa lagu xidhay oo Bari la maxkamadaynayo.

0
Tuesday July 19, 2016 - 21:17:52 in Wararka by Somalinders Website
  • Visits: 14340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weriye Fal dhaqan xumo oo uu sameeyay Hargeysa lagu xidhay oo Bari la maxkamadaynayo.

    Magaalada Hargeysa , ciidamada boliiska ayaa maanta xabsiga u taxaabay gudoomiyihii wargeyska ka ka soo baxa magaalada hargeysa oo magaciisa lagu sheegay Muniir Axmed Cigaal .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Hargeysa , ciidamada boliiska ayaa maanta xabsiga u taxaabay gudoomiyihii wargeyska ka ka soo baxa magaalada hargeysa oo magaciisa lagu sheegay Muniir Axmed Cigaal .


Shir jaraa'id oo uu galabta qabtay Afhayeenka ciidanka boliiska Somaliland Koroneyl/ Faysal Xiis wuxuu sheegay in   loo xidhay isagoo odayaal madax-dhaqameed ah oo ku shirayay hargeysa uu la dagaallamay oo uu gacanta ula tegay , kabana la dhacay oo weliba ayuu yidhi afhayeenku uu kabihii ka cararay gudoomiyuhu oo boliisku hayaan hadda . Afhayeenka boliisku wuxuu sheegay in maxkamad la horgeyn doono saxafigaasi.

falkan ayaa ah falkii ugu foosha xumaa ee loo xidho qof suxufi ah iyada oo inta badan suxufiyiinta somaliland loo xidho arrimo la xidhiidha xoriyadda hadalka balse arrinkan ayaa ah dhaqan xumo ku cusub saxafada in qof sheeganaya magac saxaafadd uu madax dhaqameed karoomo iyo sharaf leh kabo la dhaco,waxaana la rumaysan yahay in madax dhaqameedkaasi uu yahay kuwa dhaliila siyaasadda kooxda silanyo oo uu isagu ka mid yahay kuwa u adeega isaga oo ka hawl gala warbaahinta ku hadasha afka xukuumadda oo uu ka mid yahay wargayskan uu ka shaqeeyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Video Updates