Lacagta Adag Ee Qoyska Madaxtooyadu Ka Tahriibayo Hargeysa Oo Raadkeedi Galay Ganacsade Awsiciid

0
Tuesday November 24, 2015 - 15:41:22 in Wararka by Somalinders Website
  • Visits: 4124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Lacagta Adag Ee Qoyska Madaxtooyadu Ka Tahriibayo Hargeysa Oo Raadkeedi Galay Ganacsade Awsiciid

    Ganacsadaha caanka ah ee Maxamad Aw Siciid Geedi ayaa baryahan dambe noqday wadada la mariyo lacagaha adag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ganacsadaha caanka ah ee Maxamad Aw Siciid Geedi ayaa baryahan dambe noqday wadada la mariyo lacagaha adag
( hard currency) ee ay qoyska madaxweyne Siilaanyo marka muddo la joogaba ay dalka dibadda uga saaraan.

Lacagahan oo marka la maydhayo( money laundering ) awal ku dambeyn jiray xisaabo ka furan baanan ku yaala khaliijka iyo Yurub ayaa hadda waxa la dhigaa Djibouti.

Siday ilo xogogaal ahi Somalilanders u sheegeen,Ganacsade Awsiciid ayaa hawshan dibad-u-saarista lacagta qoyska madaxtooyada la wareegay ka dib markii uu fashilmay hawlgal hore oo la isku dayey in la mariyo mid ka mid ah baananka gaarka loo leeyahay ee ka furan Hargeysa.Waxa kale oo xusid mudan in xiligii muranku ka taagnaa muddo kordhinta madaxweyne Siilaanyo badhtamihii sanadkan ay qoyska madaxtooyada oo ka walaacsan in dawladaha reer galbeedka ama Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay xayiraad ku soo rogaan akownada ay dibadaha ku leeyihiin ay dabadeed qaarkood u soo wareejiyeen Djibouti isla markaana wakiil ka dhigteen Maxamad Aw Siciid oo isagu hawlahaasi u fududeeya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Video Updates