Wasiir Xaashi Iyo Xukumadda KULMIYE Oo Ka Shaqaynaya Olole Xisbiga UCID Loogu Xukumay Faysal Cali Waraabe Lagagana Takhalusayo JAMAAL

0
Saturday September 17, 2016 - 16:56:02 in Wararka by
  • Visits: 1348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Xaashi Iyo Xukumadda KULMIYE Oo Ka Shaqaynaya Olole Xisbiga UCID Loogu Xukumay Faysal Cali Waraabe Lagagana Takhalusayo JAMAAL

    Hargeysa(SOMALILANDER)Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo hogaanka sare ee xisbul-xaakimka Kulmiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(SOMALILANDER)Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo hogaanka sare ee xisbul-xaakimka Kulmiye
ayaa dabada ka riixaya olole balaadhan oo xisbiga UCID loogu xukumo Faysal Cali Waraabe. Sida ay sheegeen ilo-wareedo u dhuundaloola Madaxtooyadu qorshahan ayuu qasdigiisu yahay sidii looga takhaluusi lahaa musharaxnimada madaxwaynenimo ee Jamaal Cali Xuseen oo ay xukuumadda iyo xisbigeedu-ba u arkaan inuu caqabad ku yahay guul ay ka gaadhaan doorashooyinka madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoomaan.



Sidoo kale ilo-wareedadani waxay intaasi raaciyeen in culays badan ay xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye-ba saareen Maxkamadda sare ee Somaliland ee iyadu ka garnaqaysa khilaafka xisbiga UCID, taas oo ay bulshadda Somaliland aad isha ugu hayso go’aanka ay ka qaadato dacwadaasi, taas oo ama sii xoojinaysa kalsoonida uu shacbigu ka qabo wakhtigan garsoor dalka ama shaki ka wayn kii hore looga qabay hay’adaha cadaaladda ku abuuri doona mujtamaca wadankan.


Dhinaca kale arrimahan ayaa kusoo beegmaya xili maalinta Axada ee 18-ka bishan ay maxkamadu dhagaysanayso dacwada xisbiga xisbiga UCID, taas oo sida la filayo isla todobaadka danbe soo saaraysa go’aanada kama danbaysta ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Video Updates