Daawo taliyahii Ciidankii gurmadka Puntland oo Ciidanka Galmudug qabteen "Jibouti ayaa lagu tababaray"

2
Saturday November 28, 2015 - 23:49:35 in Wararka by Somalinders Website
  • Visits: 21210
  • (Rating 2.3/5 Stars) Total Votes: 3
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Daawo taliyahii Ciidankii gurmadka Puntland oo Ciidanka Galmudug qabteen "Jibouti ayaa lagu tababaray"

    Somalilanders.com - Ciidanka Galmudug ayaa dhabar jibin ku qabtay Taliyahii Ciidanka la dagaalanka burcad badeeda Puntland oo goor dhaweeyd dagaal gurmadda ku soo galay Galkacyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalilanders.com - Ciidanka Galmudug ayaa dhabar jibin ku qabtay Taliyahii Ciidanka la dagaalanka burcad badeeda Puntland oo goor dhaweeyd dagaal gurmadda ku soo galay Galkacyo. Taliyaha oo u dhashay beesha Dhulbahante laguna magacaabo Mahad Dalmar Cige ayaa gacanta Ciidanka Galmudug galay kadib markii ay dhabarka dambe kaga yimaadeen xilli uu fooneeye ku hoowlgelinaayay Ciidamo lagu qiyaasay kun askari oo Qaramadda Midoobay mushaarka siiso kuwaas oo Jibouti lagu soo tababaray looguna tala galay iney burcad badeeda Puntland la dagaalamaan.
Video goor dhaweeyd laga duubay Mahad Dalmar ayuu ku sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay oo naftiisa la badbaadiyay,wuxuuna sheegay inuu si sahlan ku soo galay dagaalka ,isagoo kala aqoon degaanka uu ka socdo dagaalka ee Galkacyo.
Mahad Dalmar Cige wuxuu xusay inuu tababar Ciidan ku soo qaatay Jibouti waxaana jeebkiisa laga helay dukumiintiyo muhiima sida aqoonsigiisa Taliye,kaarkii tababarkiisii Jibouti iyo naqshadda dagaalka.
Isaga iyo gaarigiisa ayaa loo kaxeeyay dhinaca Gelinsoor ,waxaana  duleedka Waqooyiga Galkacyo ka soconaya dagaal culus oo hubka nuucyadiisa kala duwan leeysu adeegsanaa sida ay Waagacusub u sheegeen Saraakiil jooga jiida hore ee dagaalka.
Saraakiisha Puntland waxaa ku dhacay niyad jab weyn maadama badankood laga keenay Boosaaso iyo Garowe oo aysan aqoon u laheyn gobolka Mudug iyo jiidaha dagaalka looga jiro.










Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Video Updates