Xog-culus:Labada Xafiis ee ugu Saxo liita & Labada Wasiir ee ugu Dhaqan Hooseeya Golaha Xukumada Siilanyo

0
Sunday November 29, 2015 - 06:59:42 in Wararka by Somalinders Website
  • Visits: 2025
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog-culus:Labada Xafiis ee ugu Saxo liita & Labada Wasiir ee ugu Dhaqan Hooseeya Golaha Xukumada Siilanyo

    Warfdiyeeno dhawaan Booqasho aan ku talogal ahayn ku tegay Xarunta Wasaarada Daakhiliga Somaliland ayaa halkaa kula kulmay Arrin qariib ama u qaadanwaa ku noqotay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warfdiyeeno dhawaan Booqasho aan ku talogal ahayn ku tegay Xarunta Wasaarada Daakhiliga Somaliland ayaa halkaa kula kulmay Arrin qariib ama u qaadanwaa ku noqotay.



Dhismaha Xarunta Wasaarada Arimaha Gudaha oo Cusub oo dhawaan uun la dhisay, aadna loo qalabeeyay ayaa haddana naftaadu diidaysaa qaar ka mid ah xafiisyada Masuuliyiinta ugu sareysa wasaarada Caafimaad ahaan iyo Anshax ahaanba inaad fooda geliso markaad ogaato xaaladooda hoose iyo ta guudba.


Aan ku soo dhawaado dulucda mawduucan ee wasaarada Daakhiliga ayaa waxay leedahay Wasiir iyo laba wasiir-xigeen,Wasiirku inkastuu safar ku maqnaa dib ayeynu uga hadli Axwaashiisa iyo Ta Xafiiska balse labada wasiir-xigeen ayaa labaduba ahaan jiray Badhasaabo hore oo weliba isku Gobol ama Qalinka aan ku cadeeyee Gobolka Togdheer Badhasaabo ka soo noqday,Ilaa xadna aad isagu dhaqan eeg ama aad moodo in isku Maderisad ama isku Isguul ka soo wada aflaxeen.



Ugu horeynba Markaad xafiisyada labada wasiir-xigeen ee wasaarada Daakhiliga Maxamed Muuse Diiriye (Wasiir-xigeenka Amniga) iyo Jaamac Cabdillaahi Biin (Wasiir-xigeenka maamulka & Dawladaha Hoose) booqato ama isku daydo ama fursad u hesho inaad gasho si isku mid ah ayaad u dareemaysaa inaad Marfash-Sigaar daf tidhi inkastoo Indhahaagu Haashteriyo qabanayn hadana waxaad arkaysaa Danbaskii Sigaarka oo miisanta ka dul muuqda+Bukhuurka sigaarka ee ka soo kankamaya oo kuu diidaya inaad fooda geliso weliba haddii Da’daadu xagga weynida u sinqayso ama aad Neef,Naqas iyo wax la halmaala ehel u tahay.



Taas ka sakow waxaad arkaysaa ama dareemaysaa Dadweyne adeegyo u yimi labadaa Wasiir-xigeen xafiisyadooda oo haddana aad u dhibsanaya xaalada labada xafiis oo ka soo boodaya, si anfariir lehna kuu egaaya iyagaan kuu sheegin waxay diideen haddana shucuurtooda aad ka fahmayso waxay ka biyo diideen ama dareen jiro.


Waa yaabe, haddana labadaa Wasiir-xigeen Jaamac Biin & Maxamed Muuse oo ka maqnaa xafiisyadooda xilligaa Warfidiyeenanadu booqday ,Shaqaalaha wasaarada qaar ka mid ahna si gaara ugala sheekaystay arimo badan oo ku taxaluuqa qadiyada labada wasiir-xigeen ayaa ogaadey inay badiyaaba maqan yihiina ama soo daahaan saacadaha Shaqada Ha yeeshee taa bedelkeeda ka soo baxa ama ka soo muuqda Warbaahinta siiba TV-yada iyagoo isu dhiga sidii Hawl-wadeeno heegan ah ama hawlo qaran badiyaaba ku foogan.


Geesta kalena waxaa xafiisyada labada wasiir-xigeen hortooda gaaf wareegayay Xilligaa Warfidiyeenku Booqday Dhawr Mayor iyo Badhasaab siiba Xafiiska Wasiir-xigeenka Maamulka Jaamac Biin oo mid ka mid ah Maayarada oo ka gaabsadey in magaciisa la xusaa biniixiyey in hawlo badan halkaas kaga xaniban yihiin,Wasiir- xigeenkiina la yahay oo Suuqa loogu sheegay oo markastuu Xafiiskiisa yimaadaba waayo una socdo hawl aan Isgaadhsiin iyo Telefoon ku dhamaanayn ama ku habooneyn.


Yeelkeede Xikmad Somali ayaa ah "Hu’gaagu wuu kula baryo tagaaye” waxaa xoggo badan oo isla wasaaraduun gudaheeda Warfidiyeenka Qarannews ka xuraamay xaqiijyeen in labadii wasiir- xigeen ee hore wasaarada daakhiliga laga bedelay midkoodna aanu Tubaakada iyo wax la maca qiijin jirin siiba wasiir-xigeenkii hore ee maamulka & Dawladaha Hoose Axmed Faarax Cadare oo la sheegay inuu xafiisku ilaa xad nadiif ahaa,Habaysnaa,Bilicidiisuna ku soo jeedinaysay oo aad dareemaysay inaad timi xafiis Masuul-qaran oo aad ku dhiiranaysay in adeegii aad rabtay ama u socotay ku fulaayo. Waxay xogguhu intaas ku dareen in Agabka xafiiskaa uu kaga tegay Cadare ama lagu istcimaali jiray badhkii uu jeebkiisa ka soo iibsan jiray, markii la bedelayna halkaas kaga tegay,Ku darsoo Axmed Cadare oo hore Xilliyadii Dawladii Kacaankii Siyaad barre ahaan jiray Macalin wax ka dhiga Mac-hadkii Isgaadhsiinta Somalia NTTI ( National Telecommunication Training Institute) qeybtii Transmission-ka (HF-Section) ayaa sanadkii 1989 oo loo diray Kooras waxbarasho debedeed ka tegay ama laga dhaxlay xafiis & Work-shop aad u qalabaysan,aadna quruxda badnaa oo mid la mida ama la Agaba aan Mac-hadka hore loogu arag,waxana had iyo jeer xafiisyaduu ka soo shaqeeyo la sheegay inuu ka tago iyadoo siduu uu ugu yimi ka tayo sareeyaan,Jeebkiisana ka qalabeeyo ama Xarago ha ka ahaate ama Dedaalkalaba balse waa dhaqan uu leeyahay oo dad badan oo isku martabad yihiin dheer yahay.


Isku soo wada duuboo Xafiiskii Wasiir-xigeenka Hore ee Daakhiliga Cadare ka tegay oo hawl-maalmeedkiisu si hufan ama caadi ah u socdeen ayaa intii wasiir-xigeenka Cusub ee Jaamac Biin la wareegay (Axmed dabadii) Hawluhu isdultulmeen oo xaniban yihiin oo aad dareemayso ama arkayso Maayaro iyo masuuliyiin kale oo meelo ama Magaalo durugsan ka yimi oo wada shaqeyni ka dhaxayso oo gaaf wareegaya Xafiiska Hortiisa iyo agagaarkiisa halka aanu badiyaaba xafiiskiisa ka soo xaadirin.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Video Updates