[Topnews:-] Daawo Hanti boobka Garguurte iyo Xaasaska sidee ahaayeen afar sano ka hor ?

0
Tuesday November 15, 2016 - 17:40:36 in Wararka by Somalinders Website
  • Visits: 4790
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Daawo Hanti boobka Garguurte iyo Xaasaska sidee ahaayeen afar sano ka hor ?

    Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee dowlada Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hor markii uu kursiga Madaxweyne qabanayey ahaay macalin ay soo gasho mushaharka uu ka helo Jaacamadda SIMAD,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee dowlada Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hor markii uu kursiga Madaxweyne qabanayey ahaay macalin ay soo gasho mushaharka uu ka helo Jaacamadda SIMAD, islaamihiisana waxay ahaayeen kuwa shidaal gada iyo kuwa guri joogto ah.Markiise xilka loo dhiibay waxaa mar kaliya is badelay muuqaalkoodii dhaqaale, waxaana ay xaasaskiisa boob toos ah ku bilaabeen hantida dadweynaha. Waxaana la arkay iyagoo iibsi ugu dhaqaaqay boosaska ugu qaalisan magaalada Muqdisho ee Caasimadda u ah dalka Soomaaliya.
  • Kuma joogsan inay dhulkaasi iibsadaan, ee waxaa haddana ay goobahaasi ka dhisteen dabaqyo dhaadheer, oo hanti badan la geliyey. Taasi oo calaamad su’aal gelineysa Musuqmaasuqa muuqda ee xarga-gooyey oo ay sameeyeen xaasaska Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

    Odey Maxamed Ali, oo ka mida cuqaasha magaalada Muqdisho , derisna la ahaa Sahro Indhayar oo ah xaaska Madaxweynaha ayaa waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay u bareerida hantida dadweynaha ee 4 sano gudaheed laga taajiray, isagoona tusaale u soo qaatay xaaladiii dhaqaale ee Sahro Indhayar iyo sida ay maanta tahay.

  • "Xaa loo lahaa hantida dadweynaha dadkii dhaca waa lala xisaabtamayaa, xaa loo arki waayey xaasaska Xasan Shiikh ee dabaqyada ka dhistay wadada Maka-Almukarama?, mise kuwaasi sharcida dowlada ma qabanayo, ee waaba caawinayaa inay sii dhacaan dadka” ayuu yiri odey Maxamed Ali, oo intaasi raaciyey.
    "Qof isagaba aan shalay heysan 100 dollar oo uu qof siiyo, miyaa maanta la iga dhaadhicin karaa 10, 000 dollar ayey maalintii la arko dad siineysaa?Xaggee lacagtaasi ka timid?” ayuu yiri odey Maxamed Ali.
    Marwo Qamar ayaa lafteeda ka mid ah xaasaska Xasan Shiikh ee ku maaleystay magaca ninkeeda Madaxweynaha ka ahaay dalka Somalia, waxeeyna caado ka dhigatay in loo qabto xaflado ay ku baxdo lacago badan, halka ay qoysas badan oo Soomaaliyeed la daalaa dhacayaan abaaro xun oo dalka halakeeyey.
    "Qamar xafladeey dhiganeysaa, oo hantidii dalkey tamashleyn ugu dhaqaaqday, dadkiina abaar ayaa leysay.” ayey tiri hooyo Isniino Calasow oo ku jirta guryaha barakacayaasha ee ku yaala taalada Sayidka.
    Shirkadaha diyaaradaha waxaa ay saarteen saami ay wax ku leeyihiin xaasaskan, waxaa Sidoo kale ay bilaabeen inay mid ka mid ah xaasaska ay mashruuc ahaan u qaadato warqadaha viise-ahaan dadka loogu saaro baasaboorka marka ay dalka soo galayaan, taasi oo dhan qofkasta in la saarto 10 dollar.

  • "Qofka wata baasaboorka ajnabiga ah waxaa laga qaadi jiray 50 dollar, haddase xaaska Madaxweynaha ayaa loogu daray 10 dollar, taasi oo ka dhigeysa in qofkasta uu bixiyo 60 dollar. Dalka noocaasi ah miyaa rajo laga sugayaa, mise ninka sidaasi yeelay ayaa mar kale la dooran karaa” ayuu yiri Farah Jama oo ah aqoonyahan ka madaxa hay’adda la dagaalanka musuqmaasuqa Soomaaliya.
    Waxaana uu intaasi ku daray in Xasan Shiikh Maxamuud waxa lagu xasuusan doono ay tahay in isaga iyo Xaasaskiisa ku taajireen 4 sano oo uu xukunka joogay, waliba ay soo galeen liiska rugta ganacsiga, mid ka mid ah xaasaskiisana lagu wado in dhawaan guddoomiye looga dhigo.
    Ugu danbeyntii dowlada uu hoggaamiyo Xasan Shiikh Maxamuud ayaa noqoneysa dowladii ugu musuqmaasuqa badneyd ee abid soo marta dalka Soomaaliya, waxaana laga dareemay hanti boobkiisa guri kasta oo Soomaaliyeed ilaa hay’addaha taageera Soomaaliya oo dib ula noqday wixii ay ku taageeri jireen dalkan, maadaama ay arkeen boobka tooskaa ee dalkan ka socda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Video Updates