Qorshe Badhtamihii Sanadkan Lagu Qiimeeyey Shilinka Somaliland Oo Bar-kuma-taal Noqday Iyo Fulinta Qoddobo Leysla Qaatay Oo Fashillaad Ku Dembeeyey

0
Sunday November 29, 2015 - 17:47:32 in Wararka by
  • Visits: 1729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qorshe Badhtamihii Sanadkan Lagu Qiimeeyey Shilinka Somaliland Oo Bar-kuma-taal Noqday Iyo Fulinta Qoddobo Leysla Qaatay Oo Fashillaad Ku Dembeeyey

    Hargeysa(SLT) Hindise qorshihiisa la doonayay in lagu kobciyo qiimaha shilinka Somaliland isla markaana lagu shiiqiyo sarifka lacagaha qalaad kaasi oo ay dawladda Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(SLT) Hindise qorshihiisa la doonayay in lagu kobciyo qiimaha shilinka Somaliland isla markaana lagu shiiqiyo sarifka lacagaha qalaad kaasi oo ay dawladda Somaliland

Hindise qorshihiisa la doonayay in lagu kobciyo qiimaha shilinka Somaliland isla markaana lagu shiiqiyo sarifka lacagaha qalaad kaasi oo ay dawladda Somaliland jaangoysay in uu badhtamihii sanadkan hirgalo ayaa gebi ahaanba madhalays noqday kadib markii ay Bangiga dhexe iyo Wasaaradda Ganacsiga oo ah hay’adaha qaranka u qaabilsan amuurahani ku fashileen fulintiisa. Qorshehan oo la doonayay in dawladdu ay jaan-goyso qiimaha sarrifka lacagaha qalaad iyo in lacagta kaliya ee wax lagu kala iibsadaa ay noqoto shilinka Somaliland isla mar ahaantaana lagu waday inuu hirgalo Bishii June ee la soo dhaafay, ayaa gabi ahaan-ba waxba ka fulin waxaanay go’aamadaasi noqdeen qaar xaashidii lagu qoray ku engagay oo aan halkiisa laga soo qaadin. Qorshahan oo ay si wadda jir ah u wadeen wasaaradaha ganacsiga iyo baanka dhexe oo isku dhinac ah iyo mas’uuliyiinta shirkadaha xawaaladaha ee Somaliland ka hawl-gala iyo sidoo kale sarrifleyaasha magaalooyinka waaweyn ee dalka, ayaan illaa hadda aanay waxba ka fulin.baanka iyo lacagta



 

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo maal-gashiga caalamiga ah Dr. Muuse Qaasim Cumar ayaa hore u sheegay in qorshahaasi uu baanka dhexe si rasmi ah u bilaabayo 15-kii bishii June ee la soo dhaafay, hase yeeshee arrintaasi ayaa noqotay hal-bacaad lagu lisay. Wasiirka Ganacsiga oo horaantii bishii June ee sanadkan gebo-gebada ah [2015] ay Waraysi arrintan ku suntan la yeelatay Majallada xukuumiga ah ee DAWAN ayaa ka warramay qorshe ay xukuumad ahaan bangiga dhexe ugu xil saareen jaangoynta qiimaha sarrifka lacagta adag [dollar], "Halka Innan yar oo sarrifle ahi uu qiimaha doollarka ka goynayo, waa in baanka dhexe uu gooyo qiimaha sarrifka doolarka. Taasina waxaanu ku heshiinay in baanka dhexe uu si rasmi ah u bilaabo 15-ka bisha June 2015, wixii markaa ka danbeeya baanka dhexe uu gooyo qiimaha sarifka doolarka. Waanu isla ogolaanay shirkadaha xawaaladaha iyo sarifleyaashaba qorshahaasi. iyaguna waxay yidhaahdeen waa in lacagaha dadka loo soo dirayo 30% ay shillinka Somaliland ku siiyaan,” ayuu ku yidhi Dr. Muuse Qaasim.

Sida ku xusan waraysiga Dharaartaas uu Wasiirka Ganacsigu bixiyey waxyaabaha kale ee ku lifaaqnaa waxaa kamid ahaa ballanqaad aanay midho dhalin oo wax lagu kala iibsan doono, waxaanu yidhi "Marka xawaaladaha, sarifleyaasha iyo ganacsatadu ay kaa hor xoogaystaan, mar keliya lama wada joojin karo, hase yeeshee waa in tartiib-tartiib loo qabto 30% in kaash laga dhigo waa halka laga bilaabayo, laakiin sare ayaa loo sii socon doonaa.Mida labaad qofkii waa in uu lacagtii loo soo diray waa in aanu hubinaa adeegyadii bulshadda oo dhan inuu ku wada helayo shillinka Somaliand in laga qaadayo oo wax lagaga iibinayo.”

Halkuu ku dembeeyey Qorsheyaashaasi, maxaase ka Fulay ballantii Wasiirka Ganacsiga?

Weriyeyaal muddo dhawr todobaad ah dabogal ku sameeyay waxa ka hirgalay qorsheyaashaas, isla markaana xidhiidho badan oo dhinaca telefoonka ah iyo kulamo fool-ka-fool ahba sameeyay ayaanay u suurto gelin inay wax xog ka helaan mas’uuliyiinta dawladdda ee ay khusayso arrintani. Kadib markii ay masuuliyiinta Ha’yadaha hawshaasi waday oo kala ah wasaaradda ganacsiga iyo baanka dhexe ay ka muquurteen inay ka hadlaan qorshahaasi iyo halka uu ku dambeeyeyba. Wasiirka wasaaradda ganacsiga Dr. Muuse Qaasim oo ay wasaaradiisu hormood ka ahayd qorshahaasi oo aanu marar badan telefoonka kula xidhiidhnay si aanu arrintaasi wax uga waydiino ayaanay noo suurtogelin in aanu helo, kadib markii balamo badan oo uu noo qabtay inaanu wasaaradda ugu tagno aanu ka weynay xafiiskiisa. Sidoo kale guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cabdillaahi Xaaji Jaamac Cali, oo isna aanu marar badan xafiiskiisa ugu tagnay si aanu wax uga waydiino qorshihii la doonayay in baanku uu jaan-gooyo qiimaha sarifka lacagaha taasi oo ay masuuliyad gaar ahi ka saaran tahay, isla markaana ay ka mid tahay waajibaadyadda uu baanka dhexe qaranka masuulka uga yahay, ayaa weriyeyaashani waxay kala kulmeen hab-dhaqan aan hore loogu arag masuuliyiinta dawladda. Waxaanu gabi ahaan-ba amar ku bixiyay inaan la soo daynin xafiiskiisa cid ka socota warbaahinta qaranka. Baanka dhexe waxa dabo-gal la’aan uga fashilmay amarkii ay soo saareen ee Xawaalladaha farayay in lacagta dibadda laga soo diro 30% dadweynaha loogu siiyo kaash. Baanka dhexe ee Somaliland ayaa mudadda 25 sannadood ah ee ay Somaliland jirtay Tahli kari waayay inuu marnaba gacanta ku qabto jaan-goynta qiimaha sarifka lacagaha, taasina ay keentay sicir bararka laasimay Somaliland oo naafeeyay nolosha dabaqada hoose ee bulshadda. Waxaana waajibaadkii Baanka dhexe sifo sharci darro ah ula wareegay sarrifleyaasha iyo Ganacsatadda. Waxa aan la garaynin waxa Wasaaradda Ganacsiga iyo Baanka dhexe go’aamada ay gaadhaan ficil ugu bedali waayeen, arrintaasina waxay nusqaan ku tahay dawladnimadda Somaliland.

Xigasho: Wargeyska Afka Dawladda Ku Hadla Ee DAWAN



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Video Updates