"Madaxweyne; Dawladdu Ha Hagaajiso Jasiirrada SACAADADIIN Oo Haka Dhigto Jeel Dhaqan-celin Loogu Sameeyo Salaadiinta & Siyaasiyiinta Habowsan"

0
Sunday November 29, 2015 - 18:49:12 in Wararka by Somalinders Website
  • Visits: 1873
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Madaxweyne; Dawladdu Ha Hagaajiso Jasiirrada SACAADADIIN Oo Haka Dhigto Jeel Dhaqan-celin Loogu Sameeyo Salaadiinta & Siyaasiyiinta Habowsan"

    Hargeysa(SLD)Suldaan Aadan Faarax Cumar oo Ka Mida Salaadiinta Waawayn Ee Somaliland Ayaa si qoto dheer uga hadlay Dhego-barjowga iyo Majaro-habaabinta Qaar kamid ah Salaadiinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(SLD)Suldaan Aadan Faarax Cumar oo Ka Mida Salaadiinta Waawayn Ee Somaliland Ayaa si qoto dheer uga hadlay Dhego-barjowga iyo Majaro-habaabinta Qaar kamid ah Salaadiinta
iyo Siyaasiyiinta Dalku ku ridaan shacabka, waxana uu soo jeediyey in il gaar ah lagu eego kooxahaas Bulshada Dhibaatada ku haya. Suldaan Aadan Faarax Oo Warsaxafadeed uu arrintan kaga hadalayo Ka Soo Saaray Magaalada Hargeysa, ayaa Marka hore dhamaan shacabka Somaliland ku bogaadiyey sida ay dulqaadka ugu leeyihiin Hagardaamooyinka badan ee kasoo gaadhaya Salaadiinta iyo Siyaasiga daneystaha ah, walow ay jiraan buu yidhi kuwo Dhawrsan Oo Ku Eeg Hawlihii Loo Igmaday Si Fiicana Ugu Dedaala Bulshada, Haybadoodii Dhaqan Iyo Odaynimana Aan Lumin. Suldaanku ayaa ugu horrayn qoraalkiisa ku bilaabay sidatan,



"waxay markasta indhahaagu qabanayaan Suldaan Xafiisyada uun hortaagan oo caqabad ku ah hawlihii qaranka iyo kuwii gaarka ahaaba, mar walba waa siyaasi Suldaanku, marna waxaad moodaa inuu shaqadii Cuqaasha hayo, mararka qaarna waxa uu u dhaqmayaa sidii oo uu maxkamad yahey waxaanu faraha lagalayaa hawlihii dhaxalka, hantidii guud iyo aanooyin shareecada u baahan oo aan Rayi iyo Xeelad u baahneyn, danbina lagu mudanaayo hadii Cadaalada lawaayo, waxaanad moodaa Salaadiinta iyo Siyaasiguba inay khalad ka fahmeen, hawsha ay umadoodu u igmatey, kana baaqdeen inay umadooda u jiheeyaan dhanka Horumarka, Cadaaladda, iyo hogaaminta toolmoon” ayuu yidhi Suldaan Aadan Faarax. Gabogabadii Suldaanku waxa uu Madaxweynaha iyo dawladda ka codsadey in Xadhig lala miciinsado Salaadiinta iyo Siyaasiyiinta Bulshada dhibka ku haya, waxana uu yidhi, "Dawladdu Jaziiradda Sacaada-diin ha hagaajiso, Hallana dhigo Xabsi weyn oo Salaadiinta inta qawlaysatada ah iyo Siyaasiga ka xuub siibtey danihii umaddiisa lagu xidho oo dhaqan celin loogu sameeyo.”


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Video Updates