Maleshiyaadka Cabdi Iley oo dad shacab ah ku laayey Qabri-bayax

0
Sunday December 06, 2015 - 20:19:58 in Wararka by Somalinders Website
  • Visits: 21466
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleshiyaadka Cabdi Iley oo dad shacab ah ku laayey Qabri-bayax

    Garowe(SLD)Madaxa maamulka Jigjiga iyo kooxdii lasocotay oo saaka ka amba-baxay magaalada Dhagaxbuur ee xarunta Gobolka Jarar ayaa wax yar kuhakaday magaalada Qabri-bayax.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garowe(SLD)Madaxa maamulka Jigjiga iyo kooxdii lasocotay oo saaka ka amba-baxay magaalada Dhagaxbuur ee xarunta Gobolka Jarar ayaa wax yar kuhakaday magaalada Qabri-bayax.

Hakashada Horjoogaha ayaa keentay in maleeshiya tira badan oo lasocotay ay magaalada galaan halkaasi oo qaar kamida maleeshiyada ay isku dhaceen nin Ganacsadaha oo makhaayad kuleh, kaasi oo koox maleeshiya ah oo wax kacuntay ay Lacagtii u diideen.

Muwaadinka makhaayada haystay ayaa waxaa muran dhinaca Lacagta ah uu dhex maray isaga iyo maleeshiyadii waxaana kusoo aruuray dadkii meesha kadhowaa, kadib buuq kooban ayaa waxaa iyana meeshii soo buux dhaafiyay maleeshiyadii Horjoogaha lasocotay, kuwaasi oo dil aad u fool xun kula dhaqaaqay Ganacsadihii iyo dadkii kale ee meesha isugu yimid.


Sida wararka ay ku heshay Somalilander.Com maleeshiyada ayaa mayd ahaan uga tagay Ganacsadihii ay makhaayadiisa ka cunteeyeen, sidoo kale koox dhalinyara ah oo kamid ahaa dadkii kusoo xoomay buuqa ayay maleeshiyadu u gaysteen jidh dil.

Horjooge Cabdi iley ayaa xaadir u ahaa waxa ay samaynayeen maleeshiyadiisu waxaa se uu u muuqday mid aan wax dan ah kalahayn dhibaatada Joogtada ah ee maleeshiyadiisu u gaysanaysay dadka shacabka ah ee magaalada Qabri-bayax.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Video Updates