"Xabiib Burqiiba Intaas oo Sano ayuu Xukunka sii Fadhiyey Isagoon Caqli Lahayn, laakiin Madaxwaynaha waan ku Hambalyeynayaa hadduu gartay inaanu sii wadi kareyn". Muj Xasan Guure

0
Wednesday December 09, 2015 - 14:09:30 in Wararka by Somalinders Website
  • Visits: 1973
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xabiib Burqiiba Intaas oo Sano ayuu Xukunka sii Fadhiyey Isagoon Caqli Lahayn, laakiin Madaxwaynaha waan ku Hambalyeynayaa hadduu gartay inaanu sii wadi kareyn". Muj Xasan Guure

    Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Xasan Guure Jaamac, ayaa is-barbar-dhigay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Xasan Guure Jaamac, ayaa is-barbar-dhigay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Madaxweynihii Tunisia Xabiib Burqiiba, isla markaana waxa uu ka jawaabay hadal hanjabaad ahaa oo ka soo yeedhay Taliyihii qaybta 26-aad ee Ciidammadii Xoogga dalka Soomaaliya Maxamed Siciid Morgan.


General Morgan, ayaa Weedho uu Warbaahinta siiyey ku soo jeediyey in dawladda Soomaaliya aqoonsato kooxda la baxday Khaatumo ee ka dhaqdhaqaaqa Gobolka Sool isla-markaana dagaal lala galo Somaliland, laakiin Mujaahid Xasan Guure oo Shalay Telefiishanka Royal kula hadlayey Hargeysa, ayaa yidhi, "Morgan isagoo qaybtii 26-aad ee ugu xoogga waynayd Ciidammada Soomaalida Madax ka ah ayuu Hargeysa kaga cararay kaba la’aan, laakiin arrinkaa ku dheeraan maayo oo dagaalkaasi wuu dhammaaday.”



Xasan Guure jaamac, oo sii hadlaya waxa uu sheegay "Waxaan Morgan kula talinayaa oo aan leeyahay iska cibaadeyso xilligan, waayo? Soomaali xilli ay isku hanjabto ma joogto oo wixii aynu kala qaadi lahayn waynu kala qaadnay ee annaguba hubkii iska dhignaye adna iska dhigoo nin weyn oo adey ah noqo oo iska cibaadeyso, Soomaalina colaad ha ugu baaqin ee nabad ugu baaq.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay go’aankii uu Madaxweynaha Somaliland kaga tanaasulay Musharraxnimadiisii shanta Sanadood ee dambe, "Madaxwaynaha aad baan ugu hambalyeynayaa inuu gartay inuu Kursiga ka tago oo aanu wadi kareynin, inkasta oo la leeyahay Caafimaad-baan jirin, haddana yeelkadeeda, waayo? Xabiib Burqiiba ba intaas oo sanadood ayuu Xukunka sii fadhiyey isagoon Caqli lahayn oo aan waxba kala garanaynin.”


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Video Updates