Safarkii Marwada: Qoor-gelintii Burco + Caraabadii Berbera + Garnaqsigii Saxaafadda Iyo Guurihii Hargeysa

0
Friday December 11, 2015 - 12:24:26 in Wararka by Somalinders Website
  • Visits: 1965
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safarkii Marwada: Qoor-gelintii Burco + Caraabadii Berbera + Garnaqsigii Saxaafadda Iyo Guurihii Hargeysa

    "..Aniga ayaa is idhi Ilahay Gacanta, waxa uu kusoo geshay meel aad ula ciil qabtay inaad Erey ka Tidhaahdo.."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"..Aniga ayaa is idhi Ilahay Gacanta, waxa uu kusoo geshay meel aad ula ciil qabtay inaad Erey ka Tidhaahdo.."

Hargeysa(Somalilanders.Com) Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Aamina Maxamuud Jirde (Aamina Weris), ayaa markii u horraysay tan iyo markii Saygeedu hoggaanka tallada dalka la wareegay, khudbad Siyaasiya, oo iskugu jirtay canaan iyo duur-xul damqasho ka muuqato ka jeedisay madal loo qabtay Maalinta xaquuqal Insaanka Adduunka oo shalay lagu qabtay Magaalada Berbera ee xaruunta gobolka Saaxil.

Marwo Aamina Weris oo ku gudo jirtay Jaantii-labaad socdaal qoor-gelis ah oo ay kaga soo laabatay Arbacadii magaalada Burco, halkaasoo ay ku tagtay safar ujeedadiisu la xidhiidho deeq qalab iyo daawo ah oo Hay’ada UNFPA bixisay, iyo sidoo kale, tabinta weedheeda xilka cusub ee Hay’ada UNFPA u igmatay ee ah Wakiil sharafeedka Carmo oo dulucdiisu tahay badbaadinta Hooyada Uurka leh iyo dhalaanka. Ayaa xuska maalinta xuquuqal Insaanka Aduunka oo ay kaga qayb-gashay magalada Berbera, waxa ay ka jeedisay khudbad nooceeda looga baran, taasoo sida weedhaheeda laga dhaadhan-sanayey ay ka muuqatay cadho ka dhalatay xanuunka iyo xanafta duqadaha Saxaafadda kasoo gaadha, inkastoo Marwadu intaa badan hadalkeeda arrimahaas ay ku qorineysay hadallo Diblumaasiyadeed oo afgobaadsi ah, kuwaasoo u dhaadhamayey kuwo Suxufiyiinta da’da yar ay ugu talo gashay inay kaga laaliso Indhahooda cada ay ku beereen Wararka iyo Warbixinaha Warbaahintu ka qorto. "..Badhasaabka ayaa igu yidhi dhalinyarada YOVENCO ayaa maanta xusaya maalinta xuquuqda aadamaha ee maad kala soo qayb gelin, MAYA Baan lasoo booday, waayo waxan eegayey hawshaan u imi Inaanay ku shuqul lahayn xuquuqda aadamaha dhinacna ka khuseysay, ta kale-na waxaan dhowrayey waqtiga hablo ila socday oo waqtigoodii qaaliga ahaa isoo huray, waxan ugu ballaan qaaday in 12-ka haddii ilahay yidhahdo Berbera waynu kasoo baxaynaa. Markii danbe ayaan fekeray, waxan ku noqday Badhasaabkii, waxan ku idhi nusasaace 30-daqiiqo inaan dhalinyarada u tago ayaan goostay. Maxaan ku goostay? . Aniga ayaa is idhi Ilahay gacanta, waxa uu kusoo geshay meel aad ula ciil qabtay inaad Erey ka tidhaahdo..”.

Marwada Madaxweynaha waxa ay sharaxday aqoonta ay takhaakhuska ku qaadatay, oo sida ay sheegtay kow Caafimaadku ka yahay, iyo sidoo kale, Cilmiga Xuquuqal Insaanka. Hase-ahaatee Marwadu waxa ay ku dheeratay Saxaafadda oo ay sheegay in mihnadda Saxaafaddu tahay aqoonta Saddexaad ee Culuumta ay baraatay. Inkastoo marwadu sheegay in saxaafaddu aqoonta ay baraatay ku jirto, hadana waxa ay ku cel-celisay waajibaadka Suxufiga ka saaran sugida Warar, iyo dheeli tirka macluumaadka kale uu baahinaayo, iyo sidoo kale, in dhaliisho loo maro wajibka qofka ka saaran hawlaha loo igmaday, balse aan lagu xadgudbin xaquuqdiisa shaqsiyadeed ee gaarka u ah. "..Innamada Saxaafadda mid-baan odhanayaa, waxyaabaha saxaafadda lagu bilaaba waxa weeye Warkaad sheegeysaa ha ahaado mid aad hadhow difaaci karto, oo aad xogtiisa sugtay, ta labaad qofka aad wax ka sheegeyso, inaad siiso fursad ay iskaga difaacan xoggaha iyo macluumaadkii aad soo ururisay. Imika innamadii saxaafadda ee aan macalimadda u ahaa, waxaan ku idhaahda Eeddo waxaanu Idiin dhignay iyo wixii aanu idiin dheegnay ma intaad liqdeen ayaad Nusqusha geyseen ileyn kuma dhaqan-taan’e. Mid waan ogolahay dhaliisha waxa leh kursiga, laakin waxanan ogoleyn, qofku waxaanu geyin ee laga sheegyo, lagu tilmaamayo..”.

Marwada oo ka hadleysay xuquuqda Suxufigu ku leeyahay Xukuumadda uu Madaxweynaha ka yahay Axmed Siilaanyo, waxa ay sheegtay inay shaqsiyan u ballaan qaadeyso in aan qof suxufi ah Xukuumaddu sabab la’aan u xidho, balse suxufigana looga baahan yahay inuu bixiyo xaqa qofka kale u leeyahay inuu iska difaaco eedaha loo jeedinaayo. Si kastaba ha ahaatee Marwadu hadalkeeda meelna kagamay xaqa suxifigu u leeyahay helida Wararka iyo inay u sinnaadan oo aan qaarna la siin kuwo-na loo diidin. Hab-dhaqanka noocaan ah, ee Suxufiyiinta lagu kala takoorayo xaquuqday u lahaayeen War helista, oo runtii ah mid xukuumadda tallada haysaa ku tahay Rikoodh Jebis.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Video Updates