Shoofeerka Cusub ee Qasriga Sheikh Osama oo Kala Garan-waayey Siyaasadda Xukuumadda iyo Tan Kulmiyaha Askarta

0
Friday December 11, 2015 - 12:24:18 in Wararka by Somalinders Website
  • Visits: 2014
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shoofeerka Cusub ee Qasriga Sheikh Osama oo Kala Garan-waayey Siyaasadda Xukuumadda iyo Tan Kulmiyaha Askarta

    Wasiirka cusub ee Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii u horreysay tan iyo markii uu salka dhigay kursigii uu hankiisa ka doorbiday Md. Xirsi wasiirkii hore ee madaxtooyadda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka cusub ee Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii u horreysay tan iyo markii uu salka dhigay kursigii uu hankiisa ka doorbiday Md. Xirsi wasiirkii hore ee madaxtooyadda,

waxa faggaare uu ka cadeeyey in dalka lagu hago Siyaasadda Kulmiye-yaha cusub ee hadda, sidoo kale-na, Wasiirku waxa uu gees maray waajibka ka saaran xukuumadda uu ka tirsan yahay inuu ka difaaco dhaliilasha iyo eedaha uga imanaaya Asxaabta Mucaaridka iyo siyaasiyiinta Madaxa-banaan.

Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlayey goob lagu xusaayey Buugag Mu’waadinad reer Somaliland ahi qortay, waxa uu muujiyey dareen iftiminaaya in asxaabta Mucaaridka ahii, ka dardar iyo dood bateen Xisbiga Kulmiye, hase ahaatee Wasiirku waxa uu tilmaamay inaan hadal badni Bulshada Cod lagaga heli karin. "ragga Nina dhalilaya iyo Xisbiyada doonaya inay nala loollaman, waxa Bulshada somaliland waxa ay ka dooneysaa Siyaasadda hufan, anshax iyo akhlaaq leh...yooyootan, Cay iyo hadal badnaan bulshada cod lagagama helo”. Ayuu wasiir Maxamuud Xaashi yidhi.

Geestka kale, waxa hadallada wasiirku ay badka soo dhigeen xanafta iyo xadan-xatada Xisbiga Kulmiye ay ku hayaan weedhaha kasoo yeedhaya Xisbiyada Mucaaridku, iyo weliba xanuunka fallaadhaha ay u geystaan ballaanqaadka wax-qabadka cusub ee Mucaaridka, isagoo arrintaa ka hadlaya, waxa uu yidhi, "xisbiyada da’da yar ee mudada yar jiray, waxa Codka Bulshada lagu hela wax run ah iyo ballamo run ah, laakin Bulshada Codkeeda laguma kasbi karo dacaayado been ah, waxanan leeyahay Kulmiye wuxuu la imanayaa wixii uu shalay qabtay iyo waxa uu beri qaban doono.” "Hase-ahaatee”. Ayuu Wasiirku yidhi: "..Qalimo been lagu qoro iyo dacaayado ma noqon doonaan wax la isku qiimeeyo”.

Waxa’se wasiirku xusay dhankooda inay markhaatiga u kala furidoonan, iyaga iyo Mucaaradka. "..Bulshada maanta taqaan in Xukuumadda Kulmiye tahay xukuumaddii waxqabadka taa ayaa noo kala markhaati kici doonta anaga iyo xisbiyada Mucaaridka”. Waxa kaloo wasiirku intaa ku daray nin walba taagtiisa in la arkii doono marka la gaadho maalinta doorashada oo ku beegan horraanta 2017-ka, balse wixii intaa ka horreeya siyaasaddaha iyo isbedelada xaaladaha jira aan la isku qiimeyn.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Video Updates