COL. MUUSE BIIXI OO BURCO KU GALAY TUBTII 'BABRAK KARMAAL "

0
Friday January 15, 2016 - 01:02:26 in Wararka by Somalinders Website
  • Visits: 3486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    COL. MUUSE BIIXI OO BURCO KU GALAY TUBTII 'BABRAK KARMAAL "

    Warbixin yaab badan oo Dr's Hoodo Yusuf ka qortay Korneyl Muse Biixi safarkiisii Burco.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin yaab badan oo Dr's Hoodo Yusuf ka qortay Korneyl Muse Biixi safarkiisii Burco.
27th Dec, 1979 dawladda  " Ruushku”   waxay  xoog ku qabsatay  dalka "Afganistan”.Markii ay ciidmadda Ruushku soo galeen caasimadda "KABUL”, waxa dabaabaddi  ugu horaysay "Tank " shidhka u saarna nin lo odhan jiray " Babrak Karmaal”, oo laga soo qaaday "Moscow. "  Waxa loo magacaabay inuu noqdo Madaxwaynaha " Afqanistan ".  Laga bilaabo maalintii Ruusku magacaabay "Babrak Karmaal”  waxa  Afqanistan ka holcay  dagaal sokeeye oo daba dheeraaday. Muddo dheer ka dib, waa laga xoreeyay  xukunkii  Ruuska &  Babrak Karmaal ,waxaanu dalkaasi  u gacan galay   kooxo mayal adag oo ku salaysan qabii’l iyo caqiidad.
  Colonel Muuse  Biixi  wuu  karayaay  inuu Burco ku soo galo asagoo lugaynaaya ,laakinse wuxuu  door-biday inuu soo raaco "Dabaabad”. Waxa hareer socday  cutubyo ka tirsan ciidmada qaranka, booliska, aslubta, ambalances iyo shabegleyaashii maxaabiista. Waxa hubaal ah,inay amarka bixiyeen Generalada  ciidamada kala duwan & wasiirka daakhiligu. Hadaba, Waxa halkaas ka sii muuqata,  inaanay  Somaliland ka dhici doonin  doorasho xor ah oo xalaal  ahi, qorshahuna yahay  in Colonel Muuse Biixi dabaabad laga soo saaro Hargeisa. Waa suurta gal inuu qorhsahaasi hirgalo, laakinse Somaliland waxay ku danbayn doontaa tubtii Karmaal  &  Afqaanistan . Madaxwayne Siilaanyo  Dalkii & dadkii lagu wareejiyay  asaguna si nabadgelyo ah ha u wareejiyo.
Drs Hoodo Yusuf, Uk,London.
 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Video Updates