Sir Culus:Somali u shaqeeya Sirdoonka Norway oo lacago sharci daraa ka gudbiyo garoonka Emirate-ka – Sawirkiisa ?

0
Wednesday January 20, 2016 - 14:37:17 in Wararka by Somalinders Website
  • Visits: 3189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sir Culus:Somali u shaqeeya Sirdoonka Norway oo lacago sharci daraa ka gudbiyo garoonka Emirate-ka – Sawirkiisa ?

    Kacaan.com -Ganacsatadda Somalida ee Emirate-ka Carabta iyo Kenya ayaa ka cabanaya nin ay magaciisa ku sheegeen Korneyl Musab Abdullahi oo la rumeeysan yahay inuu ka tirsan Hay'adda Sirdoonka Norway ee loo yaqaan NIS.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Photo: Musab Abdalla
Kacaan.com -Ganacsatadda Somalida ee Emirate-ka Carabta iyo Kenya ayaa ka cabanaya nin ay magaciisa ku sheegeen Korneyl Musab Abdullahi oo la rumeeysan yahay inuu ka tirsan Hay'adda Sirdoonka Norway ee loo yaqaan NIS.

"Ninkaan magaciisu yahay Korneyl Musab Abdullahi Mohamoud wuxuu u dhashay Hawiye,hooyadiina Majeerteen ,Cismaan Maxamuud,wuxuu noo sheegay inuu ka tirsan yahay Hay’adda Sirdoonka Norway ee NIS ,sidoo kalena inuu la shaqeeyo Sirdoonka Emirate-ka iyo kan Kenya” ayuu yiri Ganacsade Somalia oo codsaday inaan magaciisa la sheegin.

Ganacsade kale oo isna baqay in la xigto magaciisa xaalad amaan darteed ayaa yiri "NInkaan magaciisu yahay Musab Abdullahi wuxuu garoomadda Emirate-ka ka gudbiyaa Lacagaha sharci daradda ee Xawaaladaha,waa nin af gaaban oo aamusnaan badan,wuxuu ku faanay inuu isaga furdaamiyay Xawaaladahii  Somalida ee lagu xayiray Kenya”

Sarkaal ka tirsan Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugidda Somalia ayaa isagana sheegay inuu Musab Abdullahi la saaxiib yahay Taliyaha Boliiska Somalia Maxamed Sheekh.sidoo kalena ay qaraabo yihiin Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somaliland Xersi Cali Xaaji Xasan.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Khaatumo State Keyse Yusuf ayaa isagana sheegay in Musab Abdullahi yahay ninka ka dambeeya diyaaradaha ku dul wareegaya Goboladda Sool iyo Sanaag.

Qof dumara oo ka tirsan Sirdoonka Somalia oo loo diray Muscab Abdullahi ayaa ku booqatay gurigiisa Cujmaan ee Emirate-ka Carabta waxeeyna halkaas ka soo heshay Sawirkiisa iyo bilad la siiyay.

nis-musab-abdullahi

Biladda oo miiska qolkiisa jiifka saarneed waxaa ku dul qoran NIS@2015 ,waxeey leedahay caleemadda Hay’adda Sirdoonka Norway, sidoo kalena waxaa ku qoran in la siiyay Col. Musab Abdullahi Mohamoud.

Lama hubo xiriirka kala dhaxeeya Hay’adda Sirdoonka Norway heerka uu gaarsiisan yahay hasse yeeshee Musab wuxuu deganaan jiray Magaaladda Tromso ee dalka Norway.

Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Kenya ayaa isagana dhinaca kale sheegay in Musab Abdullahi xiriir wanaagsan la leeyahay Nuradiin Yusuf Haji oo ah wiil uu dhalay Wasiirkii hore ee difaaca Kenya.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa la xaqiijiyay inuu Musab Abdullahi ku lug leeyahay dhaqdhaqaaqyo kala gudbin lacag sharci daro ah taas oo dhici karta iney mararka qaar leeyihiin kooxaha argagixisada Al-qaeda,Alshabaab iyo Daacish ee ka dagaalama Geeska Africa gaar ahaan Somalia.

By Faduma Farah

Source: Kacaan.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Video Updates