Nin Sedex Jeer ku Guuldaraystay Imtixaan (Exam) Sodon Jeerna Shaqo loo Diiday Kadibna Noqday Maal Qabeen Balaayiin Dolar Heysta

0
Monday February 15, 2016 - 08:56:08 in Wararka by Somalinders Website
  • Visits: 8300
  • (Rating 2.8/5 Stars) Total Votes: 4
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Nin Sedex Jeer ku Guuldaraystay Imtixaan (Exam) Sodon Jeerna Shaqo loo Diiday Kadibna Noqday Maal Qabeen Balaayiin Dolar Heysta

    Mr Jack Ma waa nin Hantiile ah oo heysta lacag Bilaayiin dolar ah, dalka shiinahana u dhashey waana 51 jir, waxuuna ka mid yahay dadka ku guuleystay dhinaca hal abuurka ganacsiga ama (Entrepreneurship) Wuxuu leeyahay mamulena ka yahay shirkad la yira

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mr Jack Ma waa nin Hantiile ah oo heysta lacag Bilaayiin dolar ah, dalka shiinahana u dhashey waana 51 jir, waxuuna ka mid yahay dadka ku guuleystay dhinaca hal abuurka ganacsiga ama (Entrepreneurship) Wuxuu leeyahay mamulena ka yahay shirkad la yiraahdo "Alibaba Group Holding Limited". Oo ah shirkad shiinees ah oo dhinaca Internetka wax ku iibisa.

Ninkan lagu magacaabo Jack Ma waxa uu aasaasay sanadkii 1998,kii Website la yiraahdo Alibaba.com.Kaaso ah website ganacsi waxuuna u aassaasay si uu ugu xiro wax soo saarka shirkadaha shiineyska ama si shirkadaha dalkiisa si fudud waxa ay soo saaraan loo ogaado loogana gato ama looga iibsado isla websiteka, taasoo uu ku guuleystay.Laakin hadii aad taariikhdiisa akhriso wax badan ayaad ka baran karta.

Maalqabeenkan Jack Ma lagu magacaabo Mar saxafiga la yiraahdo Charlie Rose oo mareykanka u dhashey uu wareysi siinayey ayaa waxa uu sheegay in uu ku guul daraystay waxyaabo badan intaanu aasaasin shirkada uu haatan ka tanaadey ee Alibaba.com.Waxaana waxyaabaha uu ku guuldaraystay uu ka xusey in mudo Sedex jeer ah uu imtixaan u galey Macad ama (College) uuna ku dhacay imtixaankaas markuu ka tagay macadkii ayuu waxa uu shaqo ka doontay Booliska iyaguna waxa ay u sheegeen in uu san ahayn qof ku fiican shaqada ciidanka boliiska.

Mr Jack Ma isagoo sii wata hadalkiisa waxuu yiri markii aan ku guuldareystey inaan ku biiro ciidanka boliiska ka dib waxaan shaqo ka doontey shirkad mareykan ah oo dhinaca cuntada ah laguna magacaabo KFC taasoo markii ugu horaysay timi magaaladii aan ku noolaa.


Waxuu yiri aniga iyo dad dhan afar iyo Labatan qof (24) ayaan shaqada shirkada KFC wada raadsaney waxaana dhacdey in Sadax iyo Labatankii qof ee kale la aqbalay ama la qaatay nasiib darase isaga kaliya ayuu noqday qofkii laga reebay ee aan shaqadaa helin.

Wareysiga lala yeeshey Mr Jack Ma Waxa kale uu ku sheegey in ay jirtey intii uu shaqo raadiska ahaa shaqooyinka uu waayay ee nasiibka uusan saamixin in ay gaarayan ilaa 30 shaqo. Markaas ka dib ayuu waxa uu sheegey in uu bilaabay in uu sameeyo shaqo isaga u gaar ah.

Intaanu bilaabin Shirkada uu haatan leeyahay ayaa waxaa jirtey in Maalin maalmaha ka mid ah isagoo fadhiya meel coffee laga cabo, ayuu waxa uu waydiiyay gabar shaqaale ka ahayd ma taqaan oo ma maqashey sheekada la magac baxdey Alibaba haa bay tiri oo waa sheeko caan ah magacaasna aduunka inta badan waa laga yaqaan, kadibna waa uu soo baxay wadada intuu marayey ayuu waxuu la kulmey dad sodon qof gaarayey oo u kala dhashey wadamada Hindiya, Jarmalka, Jabaan iyo Shiinaha waxuuna weeydiiyey bal in ay yaqaanaan magaca Alibaba waxaana ay ugu jawaabeen haa waan maqalney sheekadaas dabeedna waxaa halkaas uga soo baxey in magaca Alibaba uu yahay magac fudud oo caan ah maadaamo uu ganacsiga electroniga ama (E-commerce) uu yahay mid caalami ah.

Hadaba markii uu sameeyay webka caanka ah ee Alibaba.com sanadkii 1998,kii ayaa waxa uu la kulmay caqabado badan iyadoo sadaxdii sano ee ugu horeysana uusan wax faa'iido ah aanu helin waxaana caqabadihii ugu waaweynaa ee ka horyimid ka mid ahaa in uusan hayn qaab u kharash-bixin ku sameeyo mana jirin wax bangi ah oo isaga la shaqaynayay ama la macaamilayay, laakiin Jack Ma wax uu go’aansaday in uu sameeyo ama bilaabo barnaamij Kharash-bixin isaga u gaar ah, kaasoo uu ugu magac daray Alipay, barnamijkaas oo loogu kala gudbinayo kharashaadka Lacagaha kala duwan dadyowga iibsadayaasha iyo iibiyeyaasha caalamka, Waxa uu sheegay dad badan oo markaasi uu barnaamijka kala hadlay in ay ku yiraahdeen taasi waa fikrad nacasnimo ah (Stupid idea) laakiin waxuu sheegay inaanu dheg-jalaq u siin oo hawshiisa uu sii watay aaqirkiina wuu ku guuleystay.

Maanta 800 million oo qof ayaa isticmaala Alipay. Jack Ma oo ah ninka sameeyey Webka Alibaba.com waa qofka laba iyo labaatanaad ee aduunka ugu hodsan ama ugu lacagta badan, Hantidiisana waxa ay gaaraysaa 23.6 Billion oo Dolar iyadoo webka Alibaba.com uu yahay mid kamid ah webseytyada la yiraahdo " E- commerce" kuwa ugu caansan uguna horeeya isla markaana ugu hantida badan maanta.

Ugu dambeyntii Mr Jack Ma wuxuu yiri "waligaa ha is dhiibin oo ha quusan hadey maanta kugu adagtahay beri ayaa ka adag oo ka xun laakiin beri maalinka ka dambeeya ayaa kuu dhalaalaya ama qorax kuu noqonaysa”.Taasi waxay ku tuseysaa walaal in qofku aanu quusan fursadana ay soo marayso mar uun, laakiin isagu aanu is dhiibin Ilaahayna uu talo saarto.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan warbixintan.

Qalinkii: Ahmed Huzeyn



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Video Updates