Topnews:-Muse Biixi iyo Ganacsadaha Mucaaradka Jibouti oo wada hadal u furmay

0
Monday February 29, 2016 - 04:56:11 in Wararka by Somalinders Website
  • Visits: 4870
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Topnews:-Muse Biixi iyo Ganacsadaha Mucaaradka Jibouti oo wada hadal u furmay

    Hargeysa()-Guddoomiyaha Xisbul xaakimka KULMIYE Muuse Cabdi ,ayaa la sheegay inuu habeenkii xalay ahaa xidhiidh la sameeyey ganacsadaha reer Jabuutu ee lagu magacaabo C/raxmaan Boorre,kaas oo la sheegay inuu ahaa mid khadka Telefoonka ah oo qaatay mu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa()-Guddoomiyaha Xisbul xaakimka KULMIYE Muuse Cabdi ,ayaa la sheegay inuu habeenkii xalay ahaa xidhiidh la sameeyey ganacsadaha reer Jabuutu ee lagu magacaabo C/raxmaan Boorre,kaas oo la sheegay inuu ahaa mid khadka Telefoonka ah oo qaatay muddo saacad ku siman,waxaana wararka laga helayaa illo wareedayad soo wariyey xidhiidhkan ay sheegayaan in barriido ka dib uu kornaylka KULMIYE u qadintey codsi..

Xidhiidhkan dhexmaray Guddoomiye Muuse Biixi Iyo ganacsadaha reer Jabuuti ee lagu magacaabo C/raxmaan Boorre, ayaa waxa ka shaqeeyay wasiir katirsan Xukuumadda Siilaanyo,kaas oo kamid ah wasiirada ugu tunka weyn golaha wasiirada,isla markaana  la sheegay inuu xidhiidh dhow oo saaxiibtinimo ka dhaxeeyo ganacsadaha debad wareega ah ee ina Boorre,waxa kale oo isna kamid ah shabakada ka shaqaysay xidhiidhka dhaxmaray Muuse Biixi iyo ganacsade C/raxmaan Boorre,wiil la sheegay in ay ehel yihiin wasiirkaa hore ee aanu magaciiska qalinka ka dhawrnay,labadan shaqsi ayaa Guddoomiye Muuse Biixi ku dhiirigeliyeen la xidhiidh ina Boorre ,isla markaana waxay kornaylka u shegeen inuu ganacsaduhu dhaqaalle ku taagreeidoono.



Dhinaca Kallena Xidhiidhkan oo la sheegay inuu ahaa Khadka Telefoonka ayaa wararka laga helayaa ay sheegeen inuu Muuse Biixi bariido iyo is xogwaraysi kadib uu u qadintey ganacsadaha codsiyo is barkan,kuwaas oo la sheegay in ay ugu cuslayeen taageero dhaqaalle oo uu ka dalbaday Muuse ganacasadaha,hase- yeeshee  wararku ma sheegin inuu ganacasde Boorre uu hadda aqbalo codsiga Muuse iyo in kale, balse waxay wararku sheegeen in kullan dabe loo balamay todobaadkan .


Ugu dambayntii  Xidhiidhkan dhexmaray Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo ganacsadaha debad wareega ah hadda ee reer Jabuuti Mr C/raxmaan Boorre ayaa noqonay kii ugu horeeyey ee dhexmar labadooda.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Video Updates