MAXA KAlILFAY ISTIQAALADA MUJ BOOBE ? - XIRSI & BOOBE XERO MA WADA QAADI KART

0
Sunday March 06, 2016 - 05:57:47 in Wararka by Somalinders Website
  • Visits: 2024
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAXA KAlILFAY ISTIQAALADA MUJ BOOBE ? - XIRSI & BOOBE XERO MA WADA QAADI KART

    Muj Boobe shakhsian isuma naqaano, laakinse waxa naga dhAxeeyay xidhiidh Emailada ah, oo ku saabsan waayaha iyo siyaasada Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muj Boobe shakhsian isuma naqaano, laakinse waxa naga dhAxeeyay xidhiidh Emailada ah, oo ku saabsan waayaha iyo siyaasada Somaliland.
Sida ka muuqan jirtay qoraaladeesa, wuxuu ahaa nin wadani ah oo  jecel  WADDANI . Wuxuu qayb wayn ka qaatay  diyaarintii qabyo qoraalka  barnaamijka  WADDANI, waxaanu soo saari "editor”  ka ahaa jariidada "WADAAG”ee xisbigu soo saari jitay, laakinse haatan hakatay.  Dhawaan ayay ahayd markii uu la socday wafdegii Guddoomiye Cirro ee  Gabiilay.Dhawaan ay ahayd markii uu  Guddoomiye Cirro kala tashady  xilka Madaxwayne Siilaanyo u magacabay ee  Ictiraaf Raadinta.
Suaa’shu waxa weeye , maxaa  isku beegay xilka tegista  Muj Boobe iyo bilowga wadahadalka  WADDANI & ISBAHAYSIGA KULMIYE  ? Jawaabtu waxa weeye-   XIRSI  IYO BOOBE   xisbi ma wada qaado. Waxa la wada ogyahay in Muj Boobe iyo Wasiir Xirsi isku dhaceen , markii ay xilalka hayeen.Sida uu Mudane Xirsi sheegay, wuxuu  Muj Boobe ka duubay hadal telefoon ah oo uu sharafteesa  iyo karaamadeesa wax ugu dhimaayo . Arrinkaasi wuxuu  soo dedejiyay istiqaaladdi   Muj Boobe ee  Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo. Wuxuu kusoo biiray  WADDANI si uu ula dagaalamo Wasiir Xirsi iyo Xukuumaddu  ku jiro. 
 Mudane  Xirsi iyo Isbahaysiga Kulmiye  waxay wada hadal la bilaabeen WADDANI, waxaana 70% laga yaaba inay ku biiraan. Muj Boobe godkeesi  biyo ayaa ugu  galay ,waxaanu goa’ansaday inuu  ka baxo . Muj Boobe waa nin degan, af-tahana, sugaanta ku  fiican, laakinse waxaad mooda inuu  layli ku yahay siyaasadda.
Drs Hoodo Yusuf, UK, London.
 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Video Updates