Xog Sir. Somaliland Oo Ogolaaday Qorshaha Saami-qaybsiga 4.5 Ee Doorashadda Baarlamaanka Somaaliya

0
Friday April 22, 2016 - 14:12:01 in Wararka by Somalinders Website
  • Visits: 6432
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog Sir. Somaliland Oo Ogolaaday Qorshaha Saami-qaybsiga 4.5 Ee Doorashadda Baarlamaanka Somaaliya

    Warar iyo xoggo dheeraad ah oo Somalilanders Iyo waagacusub.com ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar iyo xoggo dheeraad ah oo Somalilanders Iyo waagacusub.com ka
helayaan ujeedka lagu xidhiidhano inuu salka ku hayey kulankii ka dhacay Dalka Turkiga ee la iskugu keenay Somaliland iyo Soomaliya, ayaa tibaaxay in nuxurka kulanka foolka foolka ah ee labada dhinac uu ahaa mid in Somaliland lagaga ansixinaayey aqbalaada habka ama qorshaha Somaliland kga qayb galeyso Doorashadda 2016-ka ee Somaliya, waxana Wararka amuurtan la xidhiidha intaa ku dareen in xubnaha waftiga Maamulka Somaliland ka socday oo ka koobna laba Wasiir oo kala ah Wasiirka arrimaha Dibeda Md Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Madaxtooyadda Md. Maxmauud Xaashi Cabdi, Safiirka Imaaradka u fadhiya Somaliland Md. Baashe Cawil iyo sidoo kale, saddex xubnood oo rayid ah, oo iyana kala ah Dr. Xuseen Bulxan, Maxamuud Cabdi Xaamud (Nayl), iyo xubin sadexaad oo ah qurba joog, balse kasoo jeedda Gobolka Awdal.



Waxa kaloo Wararka aanu helay sheegen in markii labada dhinac kulanka isku wajaheen xubnaha waftiga Somaliland ka socday in laga saxeexay, isla markaana la ogoleysiiyey inay aqbalaan qorshihii loo dejiyey in lagu soo xulo Xildhibaanada golaha shacabka Soomaliya ku meteli doona Somaliland, marka la gaadho Doorashadda. Dhinaca kale, wararka ka imanaaya dalka Turkiga ayaa sheegay in xubnaha waftiga Somaliland uga qaybgalay kulanka ay qaarkood xalay soo gaadhen dalka Itoobiya, halka sida la sheegayo qaarka badhna u safreen dalka Kanada.


Ma jiro War amuurtan ku saabsan oo kasoo baxay Dhinaca Somaliland, marka laga reebbo hadalka kooban oo kasoo yeedhay Wasiirku xigeenka arrimaha Dibeda ee Somaliland Md. Axmed Kayse , kaasoo nuxurkiisu sidan u dhignaa "..Weftiga kale ee baxay waxay ahayeen wefdi aqoonyahannada loogu talo galey,saddexbaa inooga qayb-galay Somaliland shirkaa ujeedadiisu waxay ahayd, maadaama oo ay dowlada Turkigu in badan ahayd dhex-dhaxaadiye ama fududeeye arrimaha Somaliland iyo Somaliya wada halladoodii, inay haddey sii wadeyso inay noqoneyso fududeeye doorkoodii qaadanayaan iyo haddey dhex-dhexaad noqonayaan ama door dhex-dhexaad noqoneyso inay bal xogta dhabta ah ogaato amaba Tariikhda dhabta ah ee Somaliland iyo Somaliya..”.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Video Updates