Sarkaal Ka Tirsan KULMIYE Caana ka Ahaa madaxtooyada Somaliland oo Muqdisho iska dhiibay

0
Friday April 29, 2016 - 21:00:22 in Wararka by Somalinders Website
  • Visits: 10104
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Ka Tirsan KULMIYE Caana ka Ahaa madaxtooyada Somaliland oo Muqdisho iska dhiibay

    Gudoomiyihii qaban qaabada ee shirweynahii xisbiga Kulmiye ee dhawaan Hargysa ka qabsoomay laguna soo doortay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyihii qaban qaabada ee shirweynahii xisbiga Kulmiye ee dhawaan Hargysa ka qabsoomay laguna soo doortay
 musharaxa madaxweyne ee xisbigaasi Kulmiye mudane Abubokor Xaamud, isla markaasna ka tirsnaa goleyaasha xisbigaasi sida golaha dhexe, ayaa ka degay magaalada Muqdisho isga oo shaaciyay in uu si rasmi ah oo ay xisbiga Kulmiye iyo xukumadda Siilaanyoba ay ogaayeen uu ku yimid magaalada Muqdisho.

Abokor Cali Jibriil ayaa ay walaalo yihiin wasiirka golayaasha qaranka Somaliland sidoo kale waxa uu gacanyare u ahaa madaxweyne ku xigeenka Sayalci oo uu inta badan la joogi jiray xafiiskiisa ku yaala madaxtooyada Somaliland looga taliyo.


Abokor Cali ayaa la sheegayaa in uu ka qayb galaayo oo uu xil u doonta dawlada Muqdisho laga dhisi doono iyada oo ay arintaasi mamnuucday xukumada Somaliland ayaa la sheegayaa in uu ninkaasi sito liisto magacyo ah oo uu doonoaayo in loo raaciyo magacyada bugta ah ee ay xukumadda Somaliya ku darsan doonto dawlada la filaayo in ay soo dhisato doorashada soo socota kadib.

Qorshahani uu ninkaasi xagaasi uu ku tagay ayaa ah mid si indho laan ah ay dawalada Somaliyo u hagayso oo ay damacsantahay in ay si tuugo ah dad suuqyada iyo magaalooyinka uga yeedhato

 

Sawirkani waxa barta Facebook soo dhigay Abubokor waxana uu muujinayaa isda uu ugu farxsanyahay tagistiisa Muqdisho.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Video Updates