|
||||||
Wasiirka Macdanta Oo Koox Mafia Ah U Adeegsanaya Inay Macdan Ka Soo Xadaan Buurta Siilomadaw Ee Degmada Xudun
Somalilanders.com/Hargeysa:- Niman ka tirsan koox Mafia ah oo ku caan ah inay macdanta qaaliga si tuuga ah uga guurtaan
qaar ka mid ah dalalka Afrika ayaa hadda ku sugan degmada Xudun ee gobolka Sool si ay macdan uga soo xadaan Buurta Silemadaw ee ku taala deegaankaasi.
Nimankan macdanta xadaya ayaa waxa Buurta Silemadow u diray wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale oo mudadii lix sanadood ku dhawaadka aheyd ee uu xilkan soo hayey isaga laftiisu caan ku noqday laaluushka iyo dilaalka uu ka qaato kooxo budhcad ah oo ka baayacmushtareeya rukhsadaha baadhista(exploration license) shidaalka iyo macdanta kuwaasoo ay macaash weyn ka helaan markay cidkale dib uga iibiyaan. Leave a comment |
|
Nagala soo xiriir: [email protected] |
Copyright © 2009 - 2024 Somalilanders.com All Rights Reserved. |