Xog yaab badan - Mohamed Osman Al-thani Safiirka Imaaradku ma safiir baa mise?

0
Tuesday June 21, 2016 - 20:42:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 9743
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xog yaab badan - Mohamed Osman Al-thani Safiirka Imaaradku ma safiir baa mise?

    Warbixin Faah faahsan oo ku saabsan Safaarada Imaaratka Carabta ee Somalia Iyo Safiirkeeda Mohamed Osman Al-thani.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin Faah faahsan oo ku saabsan Safaarada Imaaratka Carabta ee Somalia Iyo Safiirkeeda Mohamed Osman Al-thani.

Hadaba markii aan in muddo ah dabagal ku haynay hab dhaqanka safiirka  imaaratka ee somalia Waxaan soo ogaanay waxyaabo badan oo maskaxdaadu qaadi karin aadna ula yaabi doontan.

 Safiirka Imaaratka ee somalia waa safiirkii ugu akhlaaqda daran Safiirada jooga Somalia Intii  Aan Xogtaan aruurinaynay waxa aan wax ka waydiinay dad fara badan sida , Qaar ka mid ah madaxda iyo shaqaalaha  wasaarada Arimaha Dibada somalia . Qaar ka mid ah shaqaalaha Madaxtooyada somalia  Qaybo ka mid ah wasiirada dawladan Somalia.                                                                                                       

Qaybo ka mid ah shaqaalaha Garoonka Aadan Cade sida VIP da Iyo Immigration ka. Qaar ka mid ah Madaxda Maamul Goboledyada.                              Qaar ka mid ah shaqaalaha xaafiiska R.Wasaarha iyo kan Guddoonka Baarlamaanka. Waxayna dhamaan dadkaasi ka marag kaceen in uu yahay nin sidii uu doono u dhaqma cidii uu rabo Caaya ama madaxda dalka ha ahaadan ama qof caadiya ku darso waliba qabiilada qaar ayuu halhays ka Dhigtaa caaydooda. sida ay noo xaqiijiyeen dhamaan dadkaasi aan waraysanay. Qaar ka mid ah madaxda wasaarda arimaha dibaddu waxay,Noo xaqiijiyeen in muddo dhawr jeer ay, warqad ka qoreen balse uu madaxwaynuhu is hortaagay maadaama uu dano gaar ah ilaalsanayo.

Safiirka Imaaradku waxa uu kala fadilay Maamul Goboleedyada Somaliyeed  iyo Magaalooyinka somaliyeed.                                                   Tusaale ahaan waxaa min 5 Mashruuc laga dhisay Dagmooyinka aan soo sheegi doono oo ka ah   Deg Kismayo. Deg, Baraawe. Deg, Marka. Deg, Afgooye. Deg,Baydhabo. Deg,  Deg, Jowhar . Deg, Boosaaso. Deg,Garowe. Deg, Qardho. dhamaan dagmooyinkaas aan soo Sheegnay oo kala hoostaga Maamuda kala ah  Juba land , K. Galbeed. Buntland. Sh.dhexe . waxa laga dhisay min 5 Mashruuc oo kala ah Saldhig Police. Isbitaal Ceel biyood . 2 iskuul oo kala ah Gabdho iyo wiilal. Waxaa halkaasi markaasi  kaaga muuqanaysa in dhamaan Dagmooyinka ku abtirsada Galmudug aan haba yaraate waxba aysan ka qaban waliba iyagoo intooda badan amaan  ah halka deegaanada ay wax ka qabteen qaarkood ay awoodi waayeen amni xumo darteed in ilaa iyo maanta aysan soo arag  iyadoo arintaasi mar aan wax ka waydiinay masuuliyiin iyo aqoonyahano ka soo jeeda Galmudug ay ku gaabsadeen in aysan garanaynin wax dhib ah kala dhexeeya Dowlada iyo Safiika imaaratkaba  balse uu imaaratku xaq u leeyahay in cidii ay  rabaan garabsiiyan. Waxaa dhamaan lawada xasuustaa in dhamaadkii dawladii sheekh sheekh shariif ay dawlada Imaaratku  Balan qaaday mashruuc lagu dhisayo dakada hobyo iyadoo uusan xiligaasi shaqeyneyn safiirka hada Jooga ee Maxamed osman balse markii uu yimid 2013 uu gabi ahaanba baabiyey arintaas maadaama ay aad iskugu dhaw yihiin isaga C/wali  Gaas oo isagunu diidan arintaas .

Ku darsoo waliba waxaan baaritaankeena ku soo ogaanay in Xarigii loo gaystay Ganacsde Qalab xoor- lagu xiray imaaratka ay ka danbeeyeen C/wali Gaas iyo Ganacsato reer buntland ah maadama ay- ogaadeen in Account giisa lagu soo shubay lacag malaayiin dolar ah oo ay isku darsadeen ganacsato  Reer Galmudug ah si ay ugu sii bilaabaan Dakada Hobyo waxaana xusid mudan in mudo ah oo uu xirnaa  kadib lasoo masaafuriyay  iyadoo lacagtiina ilaa iyo hada u xanibantahay Dawlada imaratka oo sheegtay in ay baarayso lacagtan faraha badan ee ku jirta account kiisa mudo ka badan labo sano ay wali haystaan  isagoona ka mid ahaa ganacsatada ugu waawayn ee 30 kii sano ugu dambeeyay daganaa imaaratka. waxyaabaha aan maamulada kale la wadaagin ee buntland safiirku u qabtay waxaa ka mid ah.Buntland waxay imaaratku u tababareen ciidamo gaaraya 1,400 Askari 2008 ilaa 2010 Waxii xiligaas ka dambeeyay waxay ciidamadaasi askarigii qaataa $300 oo uusan ku jirin Garamkiisa Qalabkiisa iyadoona ciidamadaasi ay isticmaalan Dayuuradu Helicopters ah doomo Casri ah iyo gaadiid  dhamaan qarashkaasi waxaa bixiya imaaratku waxaana bishii ku baxda 2,400.000  laba milyan iyo afar boqol oo kun mashaariicda buntland, waxay ciidamadaasi daganyihiin Boosaaso waxaana dadka qaarkisa u yaqaaniin Saracen  security oo ah shirkadii markii hore imaaratku ku siiyey qandaraaska tababaarka balse markii dambe la cayriyay 2013 Hada waxa xerada maamula oo gacanta ku haya saraakiil imaarati iyo south african ah.                           Tan kale ciidamadaasi waxay ka qayb qaateen dagaalo  sida kii  somaliland iyo bunland. khaatumo & buntland. Galmudug & Buntland.  Ma ogtahay dhagaystow in imaaratku hakii sano oo ugu dambeeyay ay dalka keeneen 17 Cargo flights C130 oo hub ah kuna shubteen baqaaro u khaas ah oo ay cidii ay doonaan ka siiyaan halkaas mase ogtahay in ka dib dagaalkii buntland iyo shabaab ay in kabadan lix flight oo hub ah u direen buntland iyo lacag gaaraysa 5milyan oo dollar Halka ay iska indho tireen kii lamidka ahaa ee Galmudug Shabaab la gashay . Waxaa sidoo kale C/wali ka waasteeyay Jubaland oo ay hada ka socdaan Mashaariic waawayn Sida Xero ciidamo loogu xaraynayo jubaland oo la mid ah tan boosaaso Dayactirka Garoon Diyaaradaha iyo Dakada . Dhismaha Guriga Martida Kismayo. Dhismaha Xarun Qunsuliyada Imaaratka Dhismaha Guriga Axmad madoobe. Dhagaystow waxyaabaha kuu cadaynaya in safiirku uu jecelyahay waxii saaxiibkiis C/wali Gaas jecelyahay waxaa ka mid ah laga soo bilaaabo Juun 2015 ilaa juun 2016 Waxaa Buntland loogu deeqay 74  Baabuur oo isugu jira land cruiser pickups. Land cruiser pullet proof. Water Tanks. Armor Vehicles.   

 Juba land waxaa loogu deeqay 47 Baabuur oo isugu jira sidoo kale. Dawlada Somalia waxaa loogu deeqay 36 Gaadiid .  K. Galbeed waxaa loogu deeqay 24 Baabuur oo ay ugu dambeeyeen 10 baabuur oo lasiiyay 9/6/2016.  Galmudug waxaa loogu deeqay 0 .

Ma diidanin in aan leenahay Madaxwayne daciif ah oo ku masquulsan danta Damul Jadiid laakiin waxa raba in wax loo qabto waa dadka Galmudug mana ahan in lafaquuqo.                                                                                                                           

Aan usoo laabto Xarumaha  imaaratku ku leeyahay muqdishu oo ilaa afar xarumood ah waxaa banaanka xarumaha ka waardiyeeya ciidamo somali ah oo mushaar ahaan u qaata $250   Gudaha waxaa jooga Ciidamo u dhasha Ugandha oo private security ah oo tiradoodu gaarayso 430 askari oo kiiba lasiiyo bishii $1,100 waxaa sidoo kale Logisticada xarumaha gacanta ku haya Shirkad laga leeyahay kenya iyo South africa waxaana shaqaalaha xarumahaasi  gaarayaan  367 shaqaale Ajnabi  ah min manager ilaa iyo kan dhulka xaaqa waxaa la sheegay in shirkaduhu  isku dayeen  in ay qaar shaqaalaha ka dhigto somali balse uu diiday safiirku Halka ay shaqaalaha  somalida ah ee afartaas xarumood ka shaqeeya marka la isku wada daro ay yihiin 27 shaqaale min darawal ilaa xoghayn. halka xarumaha ku yaal buntland ay dadka ka shaqeeya yihiin somali marka laga reebo ciidan iyo macalimiin imaaraati ah .

 Waxaa xusid mudan in sanadkii la soo dhaafay ay wasaarada shaqada iyo shaaqaluhu soo saartay qoraal ay uga hadlayso Xaquuqda Shaqaalaha Somalida iyo in wax qof somali ah qaban karo aan loo diri karin  qof ajnabi ah Qoraalkaas oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay Safaaradda ayaa waxaa naloo xaqiijiyay in safiirku ku aflagaadeeyay  qofkii waday asagoo hadalada uu yiri ay ka mid ahaayeen Ma dowlad baad tihiin saas dhihi karta iyo Madaxwaynihiina xitaa iisoo qori karin waxaas oo kale. 

Waxyaabaha yaabka leh ee aan soo ogaanay intii aan wadnay baaritaanka waxaa ka mid ah in Ciidamada lagu tabarayo Xeradii agoonta ee ku dhagan Jaalle Siyaad  uu Shaqaalaha cunada kariya kuwa u geegeeya kuwa qololka u xaaqa kuwa tababara kuwa tarbiyada bara ay dhamaantood ajnabi yahiin ku darsoo waliba Qudaarta, Raashinka , iyo Cabitaankaba waxaa laga keenaa dalka dibadiisa yaaaaaaab ?

Warbixintaan waxaa qoray Wariyeyaasha Galmudug oo codsaday inaan magacooda la xusin xaalad amaan darteed.

DHAMAAD LASOCO QAYBTA LABAAD INSHA-ALLAH




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Video Updates