Xaaska Madaxweyne Geele Iyo Ina Awsiciid Oo Isu Kaashanaya Burburinta Xisbiga UCID

1
Tuesday November 24, 2015 - 15:38:02 in Wararka by Somalinders Website
  • Visits: 5867
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaska Madaxweyne Geele Iyo Ina Awsiciid Oo Isu Kaashanaya Burburinta Xisbiga UCID

    Ganacsadaha darban Jabuuti iyo Somaliland ee Xukuun la macaasha ah, Maxamed aw Siciid iyo Marwada Jabuuti Khadra Xayd ayaa isku bahaystay dagaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ganacsadaha darban Jabuuti iyo Somaliland ee Xukuun la macaasha ah, Maxamed aw Siciid iyo Marwada Jabuuti Khadra Xayd ayaa isku bahaystay dagaal
 cadaan ah oo ay ku qaaden Musharraxa da’da yar ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen. kaddib markii uu ka diiday hindise ay usoo jeediyeen, oo ku saabsanaa inuu aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen uu ka tanaasulo hankiisa Mustaqbalka isla markana uu daayo Musharraxa Curdinka ah ee Kulmiye oo ay hayb guud wadaagan.


Istaraatiijiyada qorsheysan ee ay isku bahaysteen Marwada Jabuuti iyo Ganacsadahan ayaa durbaa ku guuleystay in wajiga hore ee shaxdooda. Iyadoo maanta ay ku guuleystee in ay kala fufuraan labadii isku lamaana ee musharraxiinta ucid, uuna isk casilay musharrax ku-xigeenkii Jamaal Cali Xuseen.



Sidoo kale, waxa uu qorsheysan kooxdan taageerada Muuse madax martay,in Gudoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga Ucid, Muj Cali Maxamed Yuusuf(Cali guray) ay ka dhigaan Safiirka Somaliland ee fadhiya Dalka Jabuuti intaa Xukuumada Kulmiye jirto ee Siilaanyo gadh-wadeenka ka yahay.


Geesta kale, warar ay heshay shabakada Somalilanders ayaa tilmaamay in aanu intaa ku ekeyn dagaalka lagu wado musharraxa da’ada yar ee Jamaal Cali Xuseen, hase-yeeshee in Ganacsadaha iyo Marwada Jabuuti Faysal Cali Waraabe qandaraas kusoo siiyeen inuu khilaafka xisbiga Ucid huriyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali waraabe, kaasoo ay ku yidhaahdeen dhaqalaha Doorashada ayaanu ka bixin ee isaa-soo sharrax.



Si kastaba ha ahaa-tee waxa muuqata in la isku bahaystay dagaalka lagula jiro Musharraxa da’da yar ee Ucid Jamaal Cali Xuseen oo haystaa taageerada intaa badan ee dhalinyarada reer somaliland iyo aqoonyahanka dalka.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Video Updates