|
||||||
MAXA KAlILFAY ISTIQAALADA MUJ BOOBE ? - XIRSI & BOOBE XERO MA WADA QAADI KART
Muj Boobe shakhsian isuma naqaano, laakinse waxa naga dhAxeeyay xidhiidh Emailada ah, oo ku saabsan waayaha iyo siyaasada Somaliland.
Sida ka muuqan jirtay qoraaladeesa, wuxuu ahaa nin wadani ah oo jecel WADDANI . Wuxuu qayb wayn ka qaatay diyaarintii qabyo qoraalka barnaamijka WADDANI, waxaanu soo saari "editor” ka ahaa jariidada "WADAAG”ee xisbigu soo saari jitay, laakinse haatan hakatay. Dhawaan ayay ahayd markii uu la socday wafdegii Guddoomiye Cirro ee Gabiilay.Dhawaan ay ahayd markii uu Guddoomiye Cirro kala tashady xilka Madaxwayne Siilaanyo u magacabay ee Ictiraaf Raadinta.
Suaa’shu waxa weeye , maxaa isku beegay xilka tegista Muj Boobe iyo bilowga wadahadalka WADDANI & ISBAHAYSIGA KULMIYE ? Jawaabtu waxa weeye- XIRSI IYO BOOBE xisbi ma wada qaado. Waxa la wada ogyahay in Muj Boobe iyo Wasiir Xirsi isku dhaceen , markii ay xilalka hayeen.Sida uu Mudane Xirsi sheegay, wuxuu Muj Boobe ka duubay hadal telefoon ah oo uu sharafteesa iyo karaamadeesa wax ugu dhimaayo . Arrinkaasi wuxuu soo dedejiyay istiqaaladdi Muj Boobe ee Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo. Wuxuu kusoo biiray WADDANI si uu ula dagaalamo Wasiir Xirsi iyo Xukuumaddu ku jiro.
Mudane Xirsi iyo Isbahaysiga Kulmiye waxay wada hadal la bilaabeen WADDANI, waxaana 70% laga yaaba inay ku biiraan. Muj Boobe godkeesi biyo ayaa ugu galay ,waxaanu goa’ansaday inuu ka baxo . Muj Boobe waa nin degan, af-tahana, sugaanta ku fiican, laakinse waxaad mooda inuu layli ku yahay siyaasadda.
Drs Hoodo Yusuf, UK, London.
Leave a comment |
|
Nagala soo xiriir: [email protected] |
Copyright © 2009 - 2024 Somalilanders.com All Rights Reserved. |
MAXA KAlILFAY ISTIQAALADA MUJ BOOBE ? - XIRSI & BOOBE XERO MA WADA QAADI KART
Muj Boobe shakhsian isuma naqaano, laakinse waxa naga dhAxeeyay xidhiidh Emailada ah, oo ku saabsan waayaha iyo siyaasada Somaliland.